3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 3 , 2020
Madaxweyne Xaaf oo ka horyimid qorshaha dhismaha Galmudug

 

Jimco, Janaayo, 03, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa ka hor yimid dhismaha  maamulka cusub ee Galmudug ee heerka gabagabada ah maraya.

Degmada Dhuusa-Mareeb ee loo fadhiyo dhismaha Galmudug waxaa ku sugan hadda Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo kulamo la leh hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljameeca iyo Odayaasha dhaqanka ee saxiixayaasha xildhibaannada ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa muddo dheer ka hadal arrimaha Galmudug isaga oo mar sii horeysay sheegay in howlaha dhismaha Galmudug uu uga harray Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya, balse hadda ayuu sheegay in aanu  ku qanacsaneyn sida loo maamulayo dhismaha Galmudug.

Qoraal ka soo baxay Xaaf ayaa lagu faray dhamaanba Golaha Wasiirradda Galmudug in ay si toos ah uga howlgalaan xarumahooda siina wataan waajibaadkooda shaqo.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay madaxweyna Xaaf :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 

 

 













Click here
1/3/2020 9:51 AM EST
Jimco,Janaayo, 03, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal militari oo ay ka fuliyeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybo ka mid gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab

1/3/2020 4:12 AM EST
Jimco, Janaayo, 03, 2020 (HOL)- Guddiga Farsamada maamul u dhisidda Galmudug ayaa sheegay inay saacadaha soo aadan ku dhawaaqidoonaan guud ahaan liiska barlamaanka cusub ee Galmudug.

1/3/2020 3:33 AM EST
Jimco, Janaayo, 03, 2020 (HOL)-Ahlusunna waljameeca ayaa maanta gudigga Farsamo ee maamul u sameynta Galmudug ku wareejisay magacyada 20 xildhibaan oo ku matali doona Barlamaanka Labaad ee Galmudug.

1/3/2020 12:28 AM EST
Jimco,Janaayo, 03, 2020 (HOL)-Madaxii Ciidamada xulka ah ee Quds Force ee Iran, General Qassem Soleimani, ayaa aroortii hore ee subaxnimadan jimcaha ah lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Baqdaad, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciraaq.