3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 29, 2020
Musharaxiinta madaxweynaha Galmudug oo la filayo in ay maanta khudbadahooda ka hor jeediyaan Baarlamaanka

 

Arbaco, Janaayo, 29, 2020 (HOL)-Maanta ayaa lagu wadaa in qaar ka mid ah musharixiin xilka madaxweynaha Galmudug khudbadahooda ka hor jeedinayaan Baarlamaanka iyadoo iyadoo guddiga doorashada ay ku adkeysanayaan in sidii jadwalku ahaa maalinta Barri ah la qabanayo doorashada madaxweynaha.

Waxaa jira ilaa Afar musharax madaxweyne ayaa si cad u qaadacay ka qeybgalka doorashada, sidoo kalana waxaa ka hor yimid hannaanka loo waddo doorashada madaxda ugu sarreysa Ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

Musharixiinta is diiwaan galiyay ku qancay ka qeybgalka doorashada ayaa waxaa ka mid ah Axmed Cabdi Kaariye  Qoor Qoor, Cabdiraxman Axmed Sabriye, Axmed Shire  Maxamed (falagle) iyo Axmed Cabdullaahi Samater.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo ah hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sheegay in dhankooda ay soo dhisi doonaan maamul cusub dhawaanna dooran doonaan madaxweyne.

Lama oga in jadwalku sidiisa sii ahaan doono oo maalinta barri ah la dooran doono madaxweynaha iyo in guddigu mar kale soo saari doonaan jadwal cusub si xal loogu helo khilaafka taagan. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
  













Click here
1/29/2020 1:45 PM EST
Arbaco, Janaayo, 29, 2020 (HOL)- Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku abaalmarisay 4 saxafi oo ku guulaystay tartan sanadkii hore loo galay diyaarinta sheekooyin laga sameeynayay arrimaha horumarka dalka.

1/29/2020 12:37 PM EST
Arbaco, Janaayo, 29, 2020 (HOL)-Sida wararku sheegayaan waxaa maanta xirnayd wadada laamiga ah gaar ahaan jidka laamiga ah ee mara magaalooyinka Haramaya iyo Awaday kaddib rabshado ay Oromadu aaggaas ka bilaabeen.

1/29/2020 11:00 AM EST
Arbaco, Janaayo, 29, 2020 (HOL)-Doorasho ka dhacday degmada Dhuusa-Mareeb ayaa madaxweynaha Galmudug garabka Ahlu Sunna loogu doortay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo horay u ahaa hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca.

1/29/2020 7:07 AM EST
Arbaco, Janaayo, 29, 2020 (HOL)- Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Wuhan ee dalka China ayaa sheegaya inay ku xanniban yihiin qolalkooda jaamacadeed iyagoo dareemaya cabsi iyo kalinimo.

1/29/2020 6:27 AM EST
Arbaco, Janaayo, 29, 2020 (HOL)- Puntland ayaa maanta meel fagaare ah oo kutaala duleedka waqooyi ee Garowe ku gubay maandooriye gaaraya ku dhawaad 20 kun oo dhalo oo Qamri ah iyo 30 kiilo oo xashiishad ah.

1/29/2020 6:16 AM EST
Arbaco, Janaayo, 29, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday -Alle ha u naxariistee- Janaraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi.

1/29/2020 6:08 AM EST
Arbaco, Janaayo, 29, 2020 (HOL)- Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay khilaafka siyaasadeed eka taagan dhismaha Galmudug ee soo ifbaxay markii lasoo gaaray marxaladdii gabagabada ee dadaalkii bilaha soo socday ee lagu dhisayay Dowlad Goboleed Galmudug oo mideysan.

1/29/2020 3:32 AM EST
Arbaco, Janaayo, 29, 2020 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa soo xiray galinkii dambe ee Talaadada bandhigga maalgalinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo labo maalmood ka socday caasimadda Muqdisho.