4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2020
Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo ka hadlay sababta dhalisay dab ka kacay dhimaha xarunta bangiga
 

Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay Dab ka kacay qeybo kamid ah dhismaha xarunta Bangiga oo kuyaala magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Bangiga ayaa lagu sheegay in dabkaas oo ka kacay Bankiga dhismihiisa qeyb kamid ah uusan geysan wax khasaare nafeed ama hantiyeed.

Waxa ay sheegeen mamaulku in dabkaasi uu ka dhashay cilad ka timid xagga korontada, taasoo markii dambe lagu guulaystay in si degdeg ah loo xalliyo lagana hor tago khasaare.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka bangiga.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]