4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2020
Puntland: Dowladda federalka waxay dagaal iyo cadowtinimo kulajirtaa meel kasta oo nabad iyo ismaamul ka jiro
 

Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Wasiirka arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, ayaa ku eedeeyay dowladda federalka inay dalka dib ugu celinayso 30 kahor sida uu ahaa.

Wasiirka oo shir la qaatay guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland, ayaa sheegay dowladda federalku inay dagaal iyo cadowtinimo kula jirto meel kasta oo nabad iyo ismaamul ka jiro.

Dhabancad waxa uu sheegay inay heleen xogo la xidhiidha in dowladda federalka duulan ku qaadday ardayda Puntland ee wax ka barta jaamacaddaha Turkiga ayna doonayso inay been abuur ka dhigto shahaadooyinka ay jaamacaddaha ku galeen.

“Waxaa nasiib darro ah in waalidiintii ilmahooda jaamacaddaha Tukiga u dirsaday ayna nasoo wacayaan inoona sheegayaan in jaamacaddihii ay wax ka baranayeen lagu diray loona sheegay in shahaadooyinka ay ku waxbaranayaan ay been abuur yihiim” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Wasiirka Dhabadcad ayaa yidhi.”  Puntland ma dhaliilsana nidaamka dowladnimada waxayna diyaar u tahay inay hormuud u noqoto in dalka la gaarsiiyo amni iyo kala dambayn, balse waxaanu diidanahay dad usoo dhar dhigtay inay dumiyaan meelaha nabadu ka iftiimayso.

Puntland iyo dowladda federalka ayaa kala taagan mowqif siyaasadeed oo aad ukala durugsan, horeyna uma dhicin in khilaafka labada dhinac uu qaato waqtiga intaas, iyadoo haatana aysan muuqan in xal laga gaaro arrimaha la isk hayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]