4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2020
Maraykanka oo dalkiisa udiiday filim sameeye reer Syria oo u sharraxan abaal marinta Oscar
 
 
Khamiis, Janaayo, 02, 2020 (HOL)- Maraykanka ayaa fiisihii dal ku gal u diiday filim sameeyaha reer Syria Feras Fayyad, isagoo loo tixgalinayo inuu yahay ninka ku guulaysan kara abaalmarinta Oscar ee la bixinayo sannadkaan 2020.

laba sano ka hor ayay ahayd markii loo sharraxay abaalmarinta qaaliga ah ee filimkiisii dokumentiga ah ee la yiraahdo  'Last Men of Aleppo'.

Fayyad, wuxuu sheegay inuusan awoodin inuu ka qeybgalo abaal marinta Oscar oo ka dhacaysa  Mareykanka sababtoo ah lama siinin fiiso.

"Waxaan haystaa Baasaboor Siiriyaan ah waxaan musaafurin ugu noolahay  Kobanheegan, Danmark. Waxaa la iigu talo galay inaan joogo hadda Mareykanka, laakiin taa beddelkeeda waxaan u xayiran yahay fiisihii aan u baahnaa," Fayyad ayaa sidaasi ku qoray bartiis Facebook.

Amarka Trump ee  loogu magac daray "xayiraadda Muslimiinta", ayaa ka mamnuucaya inta badan muwaadiniinta Siiriya, Yemen, Iran, Libya iyo Soomaaliya inay galaan Mareykanka.

Trump, wuxuu ballanqaaday inuu ka horjoogsanayo dhammaan muslimiinta inay soo galaan Mareykanka, wuxuuna xayiraadda saxiixay  27kii Janaayo 2017, taasoo dhalisay mudaaharaadyo iyo dagaallo sharci oo muddo socday.

Inkastoo go'aannadiisa maxkamaddo horey u joojiyeen , laakiin waxaa ansaxiyay maxkamadda sare sanadkii 2018.

Golaha Xiriirka Mareykanka iyo Islaamka (CAIR), oo ah koox fadhigeedu yahay Washington, ayaa dhalleeceeyay diidmada fiisaha.

Fayyad, Filimkiisa ugu dambeeyay ee la yiraahdo The Cave, waa mid ka mid ah 15 filim oo loo soo xulay abaal marinta  Akademiga ee Oscar.

Bisha soo socota, garsoorayaashu waxay dooran doonaan shanta filim ee ku tartamidoona Oscar  kahor xafladda abaalmarinta 9ka Feebarwari 2020.

Laakiin maadaama uusan awoodin inuu helo fiiso Mareykanka, Fayyad ma awoodi doono inuu ka qeyb galo xafladda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]