4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2020
Dibadbax looga soo horjeedo Qaraxii Ex Koontarool Afgooye oo ka socda Muqdisho


Khamiis,Janaayo 2020 (HOL)-Dad ka carreysan Qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee toddobaadkan ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ayaa maanta isugu soo baxay Fagaaraha Dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Dibadbaxan oo uu iclaamiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa  waxaa ka qeybgelaya boqolaal shacab ah oo laga kala keenay demooyinka  gobolka Banaadir si ay u muujiyaan shucuurtooda ku aaddan sida ay uga  xunyihiin qaraxaas ay dadka shacabka ah ku geeiyoodeen.

Dhinaca kalana masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa  goobjoog ka ah banaanbaxa iyaga oo jeedin doona hadalo ku aaddan  weerarada Alshabaab iyo tallaaboyinka looga baahanyahay Shacabka  magaalada Muqdisho in ay qaadaan.

Dadka ayaa muujinaya astaamo ay ugu baroordiiqayaan dadkii ku nafwaayay Qaraxan iyaga oo madaxa ku soo xirtay calaamado casaan ah , dhanka kalana ku dhawaaqay erayo ka dhan ah Ururka Al-shabaab oo sheegtay mas'uuliyada Qaraxan

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]