4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2020
Kenya '' Xubno qorsheynaya Qaraxyo iyo weerarro oo sawirradooda la baahiyay

 

Khamiis,Janaayo, 02, 2020 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa ka digtay weerarro ay qorshaynayaan xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab kuwaa sawirradooda la baahiyay.

Dowladda Kenya ayaa heegan galisay ciidamadeeda ka hortaga Argagixisada si looga baaqsado weerarrada oo laga yaabo in ay ka dhacaan wadamo ku yaala Geeska Africa oo ay Kenya ka mid tahay.

Raggan sawirradooda la baahiyay ee lagu tuhusan yahay in ay weerarrada geysan karaan ayaa kala ah Kyalo Masai, Juma Waziri iyo Salim Mohamed Ahmed, Raggaan la shaaciyay magac-yadooda iyo Sawiradooda ayaa Kenya waxa  ay ku eedeysan in ay masuul ka ahaayeen weeraro dhiig badan uu ku daatay  oo ka dhacay gudaha dalka Kenya sida ay hadalka u dhigtay.

Dowladda Kenya ayaa dhinaca kale ka dalbatay shacabka in ay kala shaqeeyaan nabad-galyada iyo in ay laamaha Amniga ku soo wargaliyaan haddii ay helaan macluumaad la xiriira Raggan la doondoonayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]