4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2020
Hay’adda UNHCR oo laga eryay xerada Alqaraj oo ay ku jiraan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ugu badan dalka Yemen

 

Khamiis, Janaayo, 02, 2020 (HOL)- Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in xaalad nolaleed oo adag ay soo food saartay Qaxootiga Soomaalida ee ku jira xerada Alqaraj kaddib markii laga eryay xerada hay’addii gacanta ku heysay ee UNHCR.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in sababta hay’adda looga eryay xerada tahay kaddib khilaaf soo kala –dhaxgalay madaxda ugu sarreysay UNHCR iyo dadka deegaanka ee Yemeniyiinta ah.

Hay’adda ayaa lagu waramayaa in ay joojisay Raashinkii, Biyihii, adeegii Waxbarsho iyo wax-yaabaha daruuriyaadka ah ee dadka la siin jirey, islamarkaana haatan Soomaalida faraha badan ee xeradaasi ku nool ay soo wajaheen xaalado daran oo nolol xumo.

Waxaa lagu filayaa in magaalada Cadan ay shir ku yeeshaan Madaxda Hay’adda UNHCR iyo hay’adaha kale ee hoostaga iyo kuwa horboodaya dadka Yemeniyiinta ah si xal looga gaaro khilaafka labada dhinac.

Xerada Alqaraj ayaa ka mid ah xeryaha qaxootiga ugu weyn marka la eego Bariga dhexe, waxaana ku jira xerada Qaxootiga ugu badan ee Soomaalida ku dhaqan dalka Yemen oo muddo dheerba halkaa ku noolaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]