3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 1 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo wax laga xumaado ku tilmaamtay hadal kasoo yeeray hay’adda bisha cas
 

Arbaco, Janaayo, 01, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay war ka soo Baxay Hay'adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC &SRCS) Soomaaliya, taasoo weerarkii ex-kantarool afgooye ku tilmaamay Iska hor imaad u dhexeeyay laba Dhinac.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay hadalkaas in uu meel ka dhac iyo xadgudub ku yahay dowladda Soomaaliyeed iyo dadkii ku Waxyeeloobay weerarkaas oo u badnaa Arday, caruur iyo hooyooyin iyagoo aan waxba galabsan .

Dowladdu waxay Hay’adaha ICRC iyo SRCS usoo jeedisay inay kala saaraan ereyada dhiirrigelinta u ah kooxaha kasoo horjeeda iyo ka hadalka dhibaatooyinka dhaca.

Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka.





Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/1/2020 5:22 PM EST
Arbaco, January, 01, 2020 (HOL)-Dibloomaasi hore isla markaana ahaa duqii hore ee magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya Cali Yuusuf Ciise (Cali Dhadac) ayaa ku geeriyooday dalka Canada,

1/1/2020 9:44 AM EST
Arbaco,Janaayo, 01, 2020 (HOL)-War Qoraal ah oo mar kale ka soo baxay Ururka Al-shabaab ayeey uga hadleen khasaaraha ka dhashay Qaraxii toddobaadkan ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye.

1/1/2020 6:56 AM EST
Arbaco, January ,01, 2020 (HOL )– Dhacdooyinkii u waaweynaa ee Somaliland ka dhacay sanadkii 2019 ee dhamaaday waxa lagu xasuusan doonaa arrimo kala duwan oo ka dhacay gayiga Somaliland.

1/1/2020 4:57 AM EST
Arbaco, Janaayo, 01, 2020 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta maxkamad kutaala magaalada Bosaso soo taagay nabaddoono dhawaan loo xiray kadib markii ay warbaahiinta kasii daayeen hadalo lidku ah howlaha Imaaraatku hayo gudaha Puntland.

1/1/2020 3:31 AM EST
Arbaco,Janaayo,01, 2020 (HOL)-Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ku sugan degmada Dhuusa-Mareeb ayaa kulan la qaatay hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xassan.

1/1/2020 3:28 AM EST
Arbaco, Janaayo, 01, 2020 (HOL)-Diyaaradaha Mareykanka ee adeegsada hawada Kenya ayaa loogu digay inay aad uga taxadaraan labada bilood ee soo socota.

1/1/2020 2:59 AM EST
Arbaco, Janaayo, 01, 2020 (HOL)-Tirada dadka ku dhintay duufaano xoog badan oo ku dhuftay badhtamaha Filibiin xilli lagu jiray ciida Kirismaska ayaa kor u dhaaftay 50 qof, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.

1/1/2020 12:22 AM EST
Arbaco, Janaayo, 01, 2020 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guutada DANAB kala wareegeen Al-shabaab deegaanno dhowr ah.