4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 1 , 2020
Dhacdooyinkii waaweyna ee ka dhacay Somalilaland sanadkii 2019

 

Arbaco, January ,01, 2020 (HOL )– Dhacdooyinkii u waaweynaa ee Somaliland ka dhacay sanadkii 2019 ee dhamaaday waxa lagu xasuusan doonaa arrimo kala duwan oo ka dhacay gayiga Somaliland.

Sanadkan waxa uu ahaa mid xadhiga dadku badnaa, sidoo kale waxa uu ahaa mid barwaaqo ah oo aan jiilaalba la arag, dhinac kale waxa hadheeyey arrimo siyaasadeed oo kala ah muranka komishanka cusub, muranka muddo kordhinta golaha baarlamaanka iyo dib u dhaca doorashooyinka.

Warbixin aanu ka diyaarinay dhacdooyinkaasina waxay u qornayd sidan:

1. December 31, Xarunta xuquuqul insaanka Somaliland ayaa sheegtay in 88 qof loo xidhay rayi dhiibasho ama xoriyatul hadalka.

2. December 30, gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay inuu dacweeyey siyaasiga caanka ah ee Maxamuud Cali Ramaax ka dib markii uu warar aan jirin ka sheegay, haseyeeshee uu xusay inuu cafiyey.

3. December 28 waxa magaalada Hargeysa ka dhacay shirweynihii dallada dhalinyarada Somalialnd, waxaana lagu doortay gudoomiye cusub Cabdicasiis Maxamed Jaamac.

4. December 27, waxa la xidhay xoghayihii arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Maxamuud Cali Ramaax.

5.December 25, madaxweyne Biixi waxa uu xadhiga ka jaray carwada warshadleyda dalka ee wax soo saarta.

6. December 21 , xisbiyada mucaaradka ah ayaa aqballay gogoshii madaxweynuhu u fidiyey ee ay ka wada hadlayeen sidii khilaafaadka doorashooyinka loo soo afjari lahaa.

7. December 21 waxa magaalada Muqdisho u dhoofay guddidii taakuleynta Baladweyne ee Somaliland oo sida qaadhaan dhan lix boqol oo kun oo dollar oo loogu deeqay dadkii ku dhibaatoobay fatahaadii webiga.

8. December 21, Ciyaartoy ka socda Kenya oo la ciyaaray kooxaha ka jira Hargeysa iyo Boorama.

9. December 19, wefti ka socda beesha caalamka oo taageeray go’aankii ay soo saareen gudidii is xilqaantay ee xalinaysay khilaafka guddida doorashooyinka ee cusub iyo muddo kordhinta loo sameeyey baarlamaanka.

10. December 16, guddi is xilqaantay oo u kacday khilaafka xisbiyada iyo xukuumadda ayaa soo saartay go’aamo lagu soo afjarayo khilaafka siyaasiga ah, waxaanay go’aamisay in guddidan cusub ee doorashooyinka la kala diro iyo in komishankii hore dib loo soo celiyo, go’aankaasi waxa aqballay labadda xisbi mucaarad iyo xukuumadda.

11. December 12, Madasha wadatashiga Somaliland oo maxkamada sare gaysay dacwad ka dhan ah muddo kordhinta loo sameeyey baarlamaanka iyo jiritaanka golaha Guurtida oo muddo dheer jirey.

12. December 16, waxa dawlad deegaanka Soomaalida ay Somaliland u gacan galisay Mukhtaaar Sheekh Maxamuud Suubanne oo ka tirsana madaxdii sare ee Sirdoonka nidaamkii Cabdi Maxamed Cumar, kaasi oo lagu eedeeyey inuu dambi ka gallay dhulkaasi soomaalidda

13. December 10, labada xisbi mucaarad ayaa madaxweynaha ku eedeeyey dib u dhaca doorashooyinka golaha Wakiilada iyo golaha Deegaanka.

14. December 8, waxa Hargeysa ka dhacay masiibo taas oo ku dhacday qoys hurda oo gurigoodii ku dumay, waxaanu qoyskani ka koobnaa Aabo iyo hooyo uur leh iyo laba caruura oo ay dhaleen, kuwaas oo dhamaantoodba geeriyooday.

15. December 5, Sheekh Aadan Sunno oo ka mid ah culimada caanka ah oo muddo laba sanno xidhnaa oo xabsiga laga siidaayey.

16. November 24, golaha Guurtidida ayaa muddo laba sanno ah u kordhiyey golaha Wakiiladda, waxaana arrintaasi cambaareeyey xisbiyada mucaaradka ah.

17. November 18, Tifaftirihii telefishanka HCTV Cabdiqaadir Codey oo xabsiga loo taxaabay oo illaa hadda ku jira.

18. November 18, xisbiga WADANI ayaa sameeyey mudaharaad ay ku diidan yihiin komishanka cusub, muddo kordhinta iyo dib u dhaca doorashooyinka, taas oo sababtay in la xidho afhayeenka xisbiga WADANI iyo xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI.

19. November 16 Somaliland ayaa xabsiga dhigtay sagaal qof oo u dhashay wadanka Imaaraadka Carabta oo si sharci daro ah u ugaadhsanayey shimbiro.

20. Oktobar 28, carwadii buugaagta ee ugu horeysay oo Laascaanood laga furey.

21. Octobar 26, Somaliland oo laga dhagax dhigay xarun weyn oo lagu kaydin doona taariikhda Somaliland oo la dhisayo badhtamaha magaalada Hargeysa.

22. Octobar 23 xisbiyada mucaaradka ah ayaa booqday dhul ay isku haystaan qoyska madaxweynaha iyo dad shacab ahi, kuwaas oo xukuumadda ku dhaliilay.

23. Xoghayihii arimaha dibada ee xisbiga WADDANI Faadumo Siciid oo xilkii iyo xubinimadii xisbiga ay ka haysay iska casishay.

24. September 22, sheekh Maxamed Idiris oo magaalada Hargeysa ka furayey tobabar oo laga joojiyey.

25. July 27, Saddexda xisbi qaran ee Somaliland ayaa ku heshiiyey inay doorashada golaha deegaanka iyo wakiiladu dhacdo wakhtigeedii.

26. July 8, maxkamadda gobolka Maroodi jeex ayaa wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ku xukuntay saddex sanno iyo lix bilood oo xadhig ah.

27. July 02, madaxweyne Biixi ayaa safar shaqo ku tagay jamhuuriyadda Guniea kanokari, ka dib markii uu marti qaad ka helay Madaxweynaha dalkaa Prof. Alpha Conde. taasina waxay keentay in Soomaaliya xidhiidhkii dublamaasiyadeed u jarto dalkaasi, taas oo cirka ku sii laashay wada hadaladii la sugayey inay dhexmarto Somaliland iyo Somalia.

28. June 24 , xoolihii ka dhoofi lahaa dekadda Berbera waxa ku yimid hakad ka dib markii Sucuudigu dalbadeen in xoolaha u imanaya waraaq ka soo qaataan dawladda Soomaaliya, taas oo Somaliland diiday, waxaanay sababtay in markab xoolo saarnaayeen oo ku xidhnaa dekada Sucuudiga muddo ku xayirnaa illaa markii dambe la furdaamiyey.

29. June 18, Abwaan Sangub ayaa magaalada Addis ababa ku geeriyooday, ka dibna lagu aasay magaaladda Jigjiga.

30. May 11 waxa magaaladda Hargeysa ku geeriyooday Xaaji Cabdi Waraabe oo ah oday nabadeed si weyn looga yaqaanay Somaliland kuna suntanaa nabadda Somaliland.

31. May 10, xildhibaan DHakool oo ka tirsana golaha Wakiilada ayaa xabsiga loo taxaabay.

32. April 9, waxa Berbera la dhagax dhigay warshada Patroolka qaydhin lagu sifeyn doonno.

33. March 18, wefti uu hogaaminayey wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea Cismaan Salaax ayaa booqasho ku yimid Somaliland.

34. Janaayo 20, wasiirkii hore ee wasaarada isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Abgaal ayaa sheegay inuu cunay lacag intii uu xaqa u lahaa ka badan, taas oo uu dalbaday in dadweynuhu cafiyaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.