4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 1 , 2020
Ra'iisal Wasaare Kheyre iyo hoggaamiyaha Ahlu Sunna oo ku kulmay Dhuusa-Mareeb

 

Arbaco,Janaayo,01, 2020 (HOL)-Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ku sugan degmada Dhuusa-Mareeb ayaa kulan la qaatay hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xassan.

Ahlu Sunna ayaa qabta tabashooyin dhowr ah oo la xiriira dhinaca dowladda Soomaaliya gaar ahaan marka la eego habka loo soo xulayo xildhibaannada cusub ee Galmudug iyo ciidamada dowladda ee ku sugan Dhuusa-Mareeb oo ay isku dhaceen kuwa xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.

Kulanka Ra'iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Ahlu Sunna waxaa ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaliya Maxamed Cabdi Sabriye.

Ilo  wareedyo ku dhow dhow Ahlusuna ayaa sheegaya in ay dalbadeen fulinta  balan-qaadyadii horay loo sameeyay iyo heshiisyadii lala galay, sidii  Liiska Xildhibaanada 20-ka ah ee ay soo xulatay Ahlusuna loo dhaqan  gelihaa.

Kheyre ayaa sii wadi doona kulamada uu la leeyahay qeybaha ku howlan dhismaha Baarlamaanka Galmudug gaar ahaan odayaasha dhaqan ee ah saxiixayaasha xildhibaannada ka mid noqonaya Baarlamaanka.

Maalintii shalay ayeey ku beegneyd jadwalka guddiga doorashooyinka ee soo bandhigida liiska xildhibaannada cusub waxaana muuqata in uu dib u dhac ku yimid.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]