4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 1 , 2020
Dalka Filibiin: 50 qof oo ku dhintay duufaano ku dhuftay dalkaas
 

Arbaco, Janaayo, 01, 2020 (HOL)-Tirada dadka ku dhintay duufaano xoog badan oo ku dhuftay badhtamaha Filibiin xilli lagu jiray ciida Kirismaska ayaa kor u dhaaftay 50 qof, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.

Dabaylaha Typhoon Phanfone iyo roobab mahiigaan ah ayaa burburiyay dhismayaal ganacsi oo badanaa ku yiilay jasiiradda dhexe ee Visayas, taas oo saameysay in kabadan laba milyan oo qof.

Ugu yaraan 80,000 ayaa weli ku jira xarumaha badbaadada degdega ah, waxaana laga yaabaa inay sii joogaan ilaa bilowga sanadkaan cusub, marka loo eego baaxada burburka.

Shan qof ayaa wali lagu la'yahay duufaanta, taas oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen 143, sida aan kasoo xiganay wakaaladda wararka ee AFP.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]