3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2020
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo is beddel ku sameeyay Qaabdhismeedka Wasaaradda


Arbaco, Feberaayo, 19, 2020 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa dib-u-habeyn ku sameeyay qaabdhismeedka waaxaha wasaaradda.

Is beddelka ayaa ujeeddadiisu tahay in Wasaaraddu yeelato waaxyo ka turjumaya waajibaadka , si la isku waafajiyo qaabdhismeedka iyo shaqada wasaaradda taas oo suurto galin karta hufnaanta iyo habsami u socodka shaqada, sida ku caad wareegto uu soo saaray wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Dib-u-habeyn ayaa lagu soo koobay waaxyaha wasaaradda lix waaxood, halkii ay horey u ahaayeen 11 waaxood. Agaasime - waaxeedyada cusub saddex ka mid ah waa Haween.

Munaasabad maanta ka dhacday xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Maxamed Cadde Mukhtar ayaa sidoo kale ay xilalka kula wareegeen agaasime waaxeedyada cusub.

"Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada howlo muhiim ah ayay u heysa dalka, waana muhiim in la dardargaliyo howlaha la qabanayo - agaasimeyaasha cusub waxaan u rajeyn inay ka soo dhalaalan shaqada ay qabanayaan, iyadoo wadajir loo shaqeynayo." ayuu yiri agaasimaha guud oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]















Click here
2/19/2020 8:20 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 19, 2020 (HOL)- Dabley hubaysan oo katirsan Al-shabaab ayaa Subaxnimadii hore ee saakay weeraray Bas siday dad rayid ah oo marayay wadada Mooyaale iyo Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

2/19/2020 7:50 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 19, 2020 (HOL)- Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa si xoogan u cambaareysay dilkii 16-kii Febraayo loo geystay wariye Cabdiwali Cali Xasan, dilkaas oo ka dhacay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

2/19/2020 1:49 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 19, 2020 (HOL)- Ururka Suxufayiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa shalay deeq lacageed oo dhan €1500 gaarsiiyay qoyskii uu ka baxay ALLAHA u naxariistee Wariye Cabdiwali Cali Xasan Online oo 16-kii bishan koox hubeysan ay ku dileen dagmadda Afgooye ee Gobalka Shabeeladda hoose.

2/19/2020 1:39 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 19, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xil-kaqaadis iyo magacaabid ku sameeyay Agaasinka Guud, Agaasin ku-xigeenka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF).

2/19/2020 1:33 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 19, 2020 (HOL)-Weerar culus oo ku bilaawday Qaraxyo ayeey subaxnimadii hore ee saakay Al-shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada Qoryoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.