3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2020
Ciidanka Amniga oo qabtay Nin deegaanka Lughaya kufsi iyo dil iskugu daray gabadh yar

 

Talaado, Febraayo, 18, 2020 (HOL) – Degmadda Lughaya ee gobolka Awdal ayaa nin kufsi iyo dil iskugu daray gabadh yar oo 15 jir ah, kaasi oo ciidanka amnigu sheegay inay gacanta ku dhigeen ninkii falkaasi ku kacay.

Dhacdadan ayaa noqotay mid dadka ka yaabisay, taas oo argagax ku noqotay dadka deegaanka.

Dhinaca kale, taliyaha ciidanka Booliska Sareeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi ayaa shaqadii ciidanka ka eryey askari gacan saaray qof dumar ah, taas oo baraha bulshada laga siidaayey muuqaal kooban oo laga duubay markii askarigaasi dhirbaaxayey qofka dumarka ah.

Qoraal uu taliyaha ciidanka boolisku ku qoray barta ay ku leeyihiin baraha bulsahda ayaa lagu sheegay in askarigaasi laga qaaday talaabo sharciga waafaqsan.

“Saacado ka hor waxa baraha bulshada la soo geliyey saddex allifle Mahad Cabdi Cismaan oo gacan u qaaday ruux dumar ah. Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa annaga oo ka duulayna in booliisku yahay saaxiibka dadweynaha in la ruqseeyey askarigaa xadgudubka sameeyey, isagoo xidhan sharaftii ciidanka booliiska Somaliland, saacado gudahood.Booliiska Somaliland waa saaxiibka dadweynaha.”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.

Taliyaha booliska Somaliland mudadii uu xilka hayey waxa uu qaaday talaabooyin shacabku soo dhoweeyeen, ka dib markii uu sharciga la tiigsaday askari ku kacday falal bani’aadanimada ka hor imanaysa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland

 













Click here
2/18/2020 7:49 AM EST
Talaado, Feberaayo, 18, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa magacaabay guddiga qabanqaabada shirka Wada-tashiga Puntland.

2/18/2020 5:50 AM EST
Talaado, Feberaayo, 18, 2020 (HOL)- Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdixayir Maareeye ayaa sheegay madaxweyne Farmaajo inaanu jirin cid maanta uga mudan in lagusoo dhoweeyo magaalada Hargeysa.

2/18/2020 5:17 AM EST
Talaado, Feberaayo, 18, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhoweeyay raalli galintii madaxweynaha Soomaaliya uu ka bixiyay dhibaatooyinkii dowladdii dhexe ka geysatay gobolada waqooyi ee Soomaaliya ee haatan loo yaqaan Somaliland.

2/18/2020 3:56 AM EST
Talaado, Feberaayo, 18, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay Puntland in ay noqondoonto cida ugu horeysa ee ka faa’idaysata haddii uu hirgalo nidaamka dayn cafinta Soomaaliya.

2/18/2020 2:33 AM EST
Talaado, Feberaayo, 18, 2020 (HOL)-War ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa looga hadlay duqeyn ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo ay maamulaaan xoogagga Ururka Al-shabaab

2/18/2020 1:39 AM EST
Talaado, Feberaayo, 18, 2020 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xalay iska horimaad xooggan uu ka dhacay Barkoontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya