4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 9 , 2020
Faah faahin ka soo baxeysa saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu laayay gobolka Galguduud

 

Arbaco, December, 09, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah iyo faah faahinno ayaa ka soo baxaya weerar dhabagal ah oo lagu laayay saraakiil ka tirsanaa qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Weerarkan oo ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Guriceel iyo degmada Ballanble, ayaa lagu waramayaa in lagu dilay ilaa Lix sarkaal, halka kuwa kalana la sheegay in la la'yahay.

Weerarkan waxaa geystay sida laga soo xigtay qaar ka mid ah dadka deegaanka maleeshiyaad u abaabulnaa hab Qabiil, kuwaa weerar culus ku qaaday gaadiidkii ay la socdeen saraakiishan.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay taliska militariga dowladda Soomaaliya oo la xiriira dilka saraakiishan oo ka anbabaxay xerada tababarka ciidamada Harqaboobe ee degmada Guriceel galinkii danbe ee maanta iyaga oo ku sii jeeday degmada Caabudwaaq.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]