4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 9 , 2020
Dowladda Federaalka oo bogaadisay maalgashiga hay'addaha Turkiga ee Soomaaliya

 

Arbaco, December, 09, 2020 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay maalgashiga kala duwan ee Turkigu sanadihii ugu danbeeyay ku sameynayay dalka, taasoo sii xoojisay xiriirka labada dowladood.

Isaga oo ka hadlay munaasabad casho sharaf ah Wasiirka Qorsheynta Dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan  wuxuu ku amaanay shirkadaha iyo  hay'addaha dawlada Turkiga maalgashiga ay ku sameeyeen Soomaaliya

“Waxaan ku qancay dadaalka danjire Amb. Mehmet Yilmeaz si kor loogu qaado maalgashiga hoos yimaada Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, ”ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan.

Danjira dowladda Turkiga ee Soomaaliya  Yilmaz ayaa dhanaciisa sheegay in iskaashiga labada dal uu sii xoogeysanayo.

''Waan ku faraxsanahay inaan arko in iskaashiga u dhexeeya labada dal ee sii xoogeysanay, waxaan u mahadcelinayaa xafiiska Dhiirrigelinta Maalgashiga Soomaaliya iyo Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ”ayuu yiri Danjire Yilmaz.

Shirkadaha Turkiga ayaa sanadihii la soo dhaafay maalgashi ku sameeyay qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha Soomaaliya gaar ahaan dhismaha guryaha, isbitaalada iyo guud ahaan ganacsiga.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]