4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 9 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in aan la soo dhax-galin muran siyaasaddeedka kala dhaxeeya Kenya
 
 
Arbaco, December, 09, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay beesha caalamka in aan la soo fara-galin go'aamada dowladda Soomaaliya ay ka qadaneyso dalalka dariska ah, gaar ahaan muran siyaasadeedka xiliggan kala dhaxeeya dowladda Kenya.
 
Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuubakar ayaa ka sheegay soo xiritaankii shirka iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka in aan la soo faragalin go'aamada dowladda Soomaaliya ay ka qaadaneyso siyaasada arrimaha dibadda iyo la macaamilka dowladdaha dariska ah.
 
Hadalka Wasiirka ayaa u muuqday mid jawaab u ahaa codsi ka yimid wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga oo dalbaday in la qafiifiyo xiisada u dhaxeysa labada dal Soomaaliya iyo kenya.
 
'Mar walba dowladda Soomaaliya waxaa ay xushmeyneysaa madax-bannnaanida iyo midnimada dhulleed ee dowladdaha dariska la ah'' ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
 
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dalkeeda ka saartay safiirkii Kenya ee Soomaaliya, kaddib markii ay dowladda Soomaaliya ku eedeysan Kenya in ay fara-galin qaawan ku heyso siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya, laakiin Kenya dhinaceeda arintaa waa ay beenisay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]