4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 9 , 2020
Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya oo booqasho labo cisho ah ku tagay dalka Kenya

 

Arbaco, December, 09, 2020 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa booqasho labo cisho qaadaneysa waxaa ay uga bilaabatay dalka Kenya, Waxaa ku soo dhaweeyay dhiggiisa Uhuru Kenyatta.

Magaalada Mooyaale oo ah halka lagu soo dhaweeyay Abiy Ahmed ayaa la filayaa in labada mas'uul xariga ka jiraan waddo xiriirisa labada dal oo ka baxday magaalada Mooyaale.

Safarkan uu Abiy Ahmed ku joogo magaalada Mooyaale ee dalka Kenya ayaa imanaya xili dowladiisa ay ku faantay in gabi ahaanba soo afjartay dagaalkii Waqooyiga dalkaasi ka socda, gaar ahaan gobolka Tigrayga.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]