4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 9 , 2020
Madaxweyne Deni: Puntland waxaa yaala afar makiinadood oo lagu daabaco shilin Soomaaliga
 

Arbaco, December, 09, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay Puntland in ay yaalaan afar makiinadood oo lagu sameeyo lacagaha been abuurka ee shilin Soomaaliga.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay shirkadahaas in ay lacagaha ay sameeyaan soo galiyaan suuqyada Puntland, iyagoo ka dhigaya in ay yihiin lacago duug ah oo horey loo isticmaali jiray.

Deni wuxuu sheegay in ay qaadeen tallaabooyin lagaga hortagayo lacagtaan.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay sababta ay shirkaddaha wax lasoo daga  kaga joojiyeen in ay canshuurta ku bixiyaan shilin Soomaali.

“Koox yar oo ganacsato ah oo dekeda ku xiran oo ku shaqeysta dollarka, ayaa xoogaagii shilin Soomaaliga ay haysteen ku bixinaya canshuur, iyagoo doonaya in ay dollarka jeebka ku haystaan. Markii aan ka joojinay ayay bilaabeen in ay shaqo joojin sameeyaan.” Ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale u hanjaay shirkadda isgaarsiinta ee Golis, isagoo sheegay inuu ka xirayo adeegeeda Sahal, oo uu sheegay inuu xagal daacinayo go’aankii lagu jaangooyay lacagaha la isku diro.

“Markaan joojinay in hal dollar iyo wixii ka yar aan la isku diri Karin, waxay bilaabeen adeeg la yiraahdo WAAFI, oo sintiyo dollar ah la iskugu diri karo. Ma ogolaanayno, haddii kale Sahal oo idil waan xiraynaa,” ayuu yiri Deni.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]