4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 9 , 2020
Maxkamadda Sare oo ayidday guusha Biden

 

Arbaco, December, 09, 2020 (HOL) - Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa  waxba kamaa ka soo qaaday dooddii xisbiga Jamhuuriga ku rabeen in madaxweynaha la doortay Joe Biden loogu diido guushii uu ka gaaray gobolka muhimka ah ee Pennsylvania.

Madaxweyne Donald  ayaa ku doodday in aan looga guuleysan doorashada, balse taa badalkeeda ay dhacday ku shubasho cad.

Balse maxakamada ayaa sheegtay in Biden Tobanaan kun oo cod uga badiyay madaxweyne Donald Trump Pennsylvania.

Guddoomiyaha gobolka Pennsylvania Tom Wolf oo dimoqraadi ah ayaa mar hore saxiixay shahaaddada guusha Biden ee gobokiisa ka hor inta aysan 14-ka bishan December codeyn ergooyinka leh codka kama danbeysta ee loo yaqaano Electoral College.

Pennsylvania ayaa leh 20 cod, mar walbana waxaa ay ka mid tahay gobollada aadka loogu dagaallamo xilliyada doorashada madaxtinimada Mareykanka oo dhacda afarti sanaba mar.

Joe Biden ayaa doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee bishi hore ka helay 306 codadka loo yaqaan electoral votes, balse wali si rasmi ah looguma dhawaaqin guushiisa. Waxay ku xirantahay marka ay todobaadka danbe kulmaan dhamaan erdgooyinka gobollada Mareykanka ee Electoral College.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]