4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 9 , 2020
Itoobiya oo qiratay in ciidankeeda dileen shaqaale ka tirsanaa Qarramada Midoobey

 

Arbaco, December, 09, 2020 (HOL) -Redwan Hussien oo ka mid ah saraakiisha sare ee dowladda Itoobiya, ayaa Talaadadi shalay isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa wariyaasha u sheegay, in  ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya dileen shaqaale ka tirsanaa Qarramada Midoobey.

Dhacdadan ayuu sheegay in ay dhacday Axaddii xilli ay shaqaalaha Qaramada Midoobay isku dayayeen in ay gaaraan xerada qaxootiga ee Shimelba oo ay daganyihiin qaxooti Eritrean ah.

Wuxuu sheegay in ciidamo ka tirsan millatariga Itoobiya ay rasaas ku fureen shaqaalaha UN-ka, kaddib marki ay isku dayeen in ay ka gudbaan bar koontarool, waxyar kaddib marki ay soo dhaafeen laba bar koontarool oo kale.

Ugu danbeyntii wuxuu sheegay in aan la ogoleyn in ay barta koontarool laga gudbo balse waxaa ay go’aansadeen in si qar-iskatuur-nimo ah halkaasi kaga tallaabaan.

Shaqaalahan ayaa la sheegay in ay sidaa u sameeyeen bal si ay u gaaraan gobolka dagaallada ba'ani ka dhaceen ee Tigreyga.

Qarramada Midoobey ayaa marar badan oo hore ku celcelisay in dhabaato dhinaca bani'aadannimada ah ay ka jirto gobolka dagaalladu ka dhaceen ee Tigrayga, lama huraanna tahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka rayidka ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]