4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 8 , 2020
Guddiga doorashada gobollada Waqooyi oo guddoomiye iyo ku--xigeen doortay

 

Talaado, December, 08, 2020 (HOL) - Guddiyada ay dowladdu u saartay doorashada 2020-21 ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku howlanaa sidii ay u dhameystiri lahaayeen howlaha u harsan si ay u sii anba--qaadaan howlaha loo idmaday.

Guddiga doorashada gobollada Waqooyi oo tan iyo markii la magacaabay khilaaf xoog leh uu ka jiray ayaa maanta doortay guddoomiye iyo ku-xigeen.

Guddiga ayaa guddoomiye u doortay in uu noqdo khadar Xariir Xusseen, halka guddoomiye ku-xigeenna loo doortay Najiib Xusseen Samaale.

Guddiga oo uu soo magacaabay Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa diiday oo ka hor yimid guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo sheegay in uusan Ra'iisal Wasaaruhu awood sharci u laheyn magacaabista guddigan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]