4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 8 , 2020
Dagaal ciidamada Kenya iyo Al-shabaab ku dhaxmaray Jubbada Hoose

 

Talaado, December, 08, 2020 (HOL) - Xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in weerar culus ay ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Husingow ee gobolka Jubbada Hoose 

Saldhig ay weerarreen Al-shabaab waxaa uu fariisin u ahaa ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM kana howlgal deegaannada Jubbooyinka.

Dad ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen dhawaqa hub culus oo ay isweydaarsanayeen labada, hasse ahaatee lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Al-shabaab ayaa inta badan weerarro culus ku qaadan saldhigyada ciidamada Kenya ee gobollada Jubbooyinka iyo xudduuda Soomaaliya iyo Kenya halkaa oo ay ka geystaan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]