3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2020
Raysal Wasaare Rooble oo shaaciyay inuu safar ku tagayo Puntland iyo Galmudug
 

Isniin, December, 07, 2020 (HOL) - Raysal wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay inuu safarkiisii ugu horeeyay isagoo raysal wasaare ah ku tagayo magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, si uu wada hadal u lasoo yeesho madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo saluugsan hannaanka doorashada.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay inuu Puntland u tagayo sidii loo xallin lahaa tabashada ay qabto islamarkaana wuxuu tilmaamay inuu diyaar u yahay in xukuumadiisa ay dhabarka u ridanayaso culays kasta oo kaga yimaada sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashado loo dhan yahay.

Dhinaca kale, raysal wasaare Rooble ayaa ka hadlay tabashada murashixiinta madaxtinimada , wuxuuna u sheegay in xafiiskiisa u furan yahay inuu xalliyo tabashada cid kasta oo dhaliilsan doorashada,” ayuu yiri.

“Waxaan kaloo leeyahay walaalahay u hanqal taagay doorashada, albaabkayga waa idiin furan yahay, diyaar ayaan u ahay inaan xalliyo tabashadiina. Laakiin mid hala ogaado sharciga iyo dastuurka lagama weyna.

Raysal Wasaare ayaa socdaalo xiriir ah ku tegidoona Puntland, Galmudug iyo Jubbaland, waana safarkiisii ugu horeeyay ee uu ku tegidoono dowlad goboleedyadaas tan iyo markii xilka loo magaacabay dhawaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/7/2020 2:08 PM EST
Isniin, December, 07, 2020 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo maanta ka qeybgalay shirka Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka ayaa sheegay in xukuumadda uu hogaamiyo mar walba diyaar u tahay fulinta dhamaanba heshiisyadii horey looga gaaray doorashada.

12/7/2020 1:33 PM EST
Isniin, December, 07, 2020 (HOL) - Guddiga oo la baxay ''Guddiga Badbaadada Doorashooyinka Qaranka' oo ay soo magacaabeen midowga musharixiinta ayaa maanta kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho.

12/7/2020 11:40 AM EST
Isniin, December, 07. 2020 (HOL) - War ka soo baxay hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhamaanba muwaadiniinta Kenyan -ka ah ee imanaya Soomaaliya marka hore Dal ku gal ah ka soo qaataan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

12/7/2020 10:39 AM EST
Isniin, December, 07. 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen eoo ka mid ahaa madaxdii maanta ka qeybgashay shir dhaxmaray madaxda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa sheegay in in uusan caqabad u arag doodda ka taaggan magacaabista guddiyada doorashada gobollada Waqooyi.

12/7/2020 10:26 AM EST
Isniin, December, 07. 2020 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxa'ed Islaam [Axmed Madoobe] oo aalada Internetka uga qeybgalay shir dhaxmaray madaxda Soomaalia iyo beesha caalamka ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Soomaaliya gacanta Jubbaland ku soo celiso gobolka Gedo.

12/7/2020 5:01 AM EST
Isniin, December, 07, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay cadaadiska ciidan ka dulqaado Gobolka Gedo,si ay dowlad goboleedka Jubbaland u qabato doorasho madax bannaan oo lagusoo dooranayo xildhibaanada golaha shacabka.

12/7/2020 2:51 AM EST
Isniin, December, 07, 2020 (HOL) - Xarumaha ganacsiga Puntland ayaa dib loo furay maanta oo isniin ah kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay u xirnaayeen sababa la xiriira sicir bararka dollarka iyo lacagta shilin Soomaaliga ah oo la diidanaa.

12/7/2020 12:41 AM EST
Isniin, December, 07, 2020 (HOL) - Midowga musharixiinta Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo ay soo saareen waxaa ay ku muujiyeen walaac ay ka qabaan xasilooni darrada ka jirta gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne oo ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Taliyaha Nabad-sugida Qaranka.

12/7/2020 12:11 AM EST
Isniin, December, 07, 2020 (HOL) - Maanta oo Isniin ah ayaa lagu waddaa in kulan ku qabsoomi doono dhinaca Internet-ka ee Aalada Zoomka uu dhaxmaro Beesha Caalamka, Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada dalka, kaasoo looga wada hadli doono Arrimaha Doorashooyinka lagu muran-san yahay iyo Amniga guud ahaan dalka.