4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2020
Beesha Caalamka iyo Madaxda Soomaaliya oo ka wada hadlaya Arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga

 

Isniin, December, 07, 2020 (HOL)  - Maanta oo Isniin ah ayaa lagu waddaa in kulan ku qabsoomi doono dhinaca Internet-ka ee Aalada Zoomka  uu dhaxmaro Beesha Caalamka, Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada dalka, kaasoo looga wada hadli doono Arrimaha Doorashooyinka lagu muran-san yahay iyo Amniga guud ahaan dalka.

Kulanka waxaa furraya sida ku cad jadwalka habsami u socodka shirka Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble, sidoo kalana waxaa ka qeybgali-doona xubno ay ka mid yihiin Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Mahda Maxamed Guulleed Khadar iyo Wasiirada, Gaashaandhigga, Amniga, Cadaaladda, Dastuurka, Haweenka.

Waxaa sidoo kale kulanka qeyb ka noqonaya Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yareey] halka dhinaca beesha caalamka ay ka qeybgali doonaan Wakiilka QM ee Somalia James Swan, Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira.

Madaxda Dowlad Gobolleedyada ayaa sidoo kale qeyb ka noqonaya shirkan waxaana siweyn diirrada loogu saari doonaa xaalada guud ee dalka, gaar ahaan xiliga kala guurka iyo geedi socodka doorashooyinka dalka oo wali aan laga gaarin isfaham la taaban karo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]