4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2020
Guddiga Doorashada Heer Federaal oo iska dhax-doortay guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa

 

Sabti, December, 05, 2020 (HOL) -Guddiga aan wali laga heshiin ee doorashada heer Federaal ayaa maanta Muqdisho ku doortay guddoon si howlahooda ay u sii waddaan.

Doorashada Guddoonka Guddiga ayaa imaneysa xili wali ay dhiman yihiin xubnihii guddiga ka mid noqon lahaa ee Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa waxaa noqonaya Maxamed Xasan Maxamed halka ku -xigeenkisa loo doortay Mowliid Mataan Salaad.

Lama oga jawaabta ay ka bixin doonaan doorashadan xubnaha musharixiinta iyo waliba dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland oo wali iyagu aan soo gudbin xubnihii laga doonayay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]