3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2020
Puntland: Xildhibaanadii mooshinka lagu riday oo sheegay in arintooda lagusoo go'aamiyay Imaaraatka
 

Sabti, December, 05, 2020 (HOL) - Xildhibaanadii Puntland ee dhawaan xilka laga xayuubiyay ayaa warbaahinta ka sheegay in mooshinkii xilka looga qaadayay uu ahaa go’aan lagu difaacayay danaha dowladda Imaaraatka Carabta ka leedahay dekeda magaalada Bosaso.

Xildhibaanada ayaa tilmaamay in wasiirka maaliyadda Puntland iyo madaxweyne Deni oo dhawaan kasoo laabtay safar Imaraatka ay iyagu ka dambeeyaan qorshihii sharci darada ahaa ee barlamaanka looga saaray, waa sida ay iyagu sheegeen.

Waxay kaloo sheegeen in guddoomiyaha barlamaanka lasoo faray inuu abaabulo mooshin golaha looga saarayo dhammaan xildhibaanada kasoo horjeeda heshiiska DP-world una ololaynayay in heshiiskaas la kansalo.

Ugu damabyn, waxay sheegeen inuu wax kama jiraan yahay go'aankii barlamanaka, iyagoo daliishanayay dasturka Puntland qodobadiisa qeexaya sababaha uu xildhibaanku ku weyn karo xasaanadiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/5/2020 3:21 PM EST
Sabti, December, 05, 2020 (HOL) -Guddiga aan wali laga heshiin ee doorashada heer Federaal ayaa maanta Muqdisho ku doortay guddoon si howlahooda ay u sii waddaan.

12/5/2020 7:21 AM EST
Sabti, December, 05, 2020 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay walaac kaga muujiyeen Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo ay ku eedeeyeen inay ku howlan tahay bixinta ruqsadaha baarista Shidaalka, xilli lagu jiro marxalad doorasho.

12/5/2020 4:22 AM EST
Sabti, December, 05, 2020 (HOL) - Waxaa dib u dhacay shir caadi aheyn oo maanta Golaha Wasiirradda Soomaaliya ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho, kaa oo qorshuhu ahaa in looga wadahadllo xaaladihii ugu danbeeyay siyaasadda guud ahaan Soomaaliya.

12/5/2020 4:15 AM EST
Sabti, December, 05, 2020 (HOL) - Shirkaddaha isgaarsiinta ee ka howgalla Puntland ayaa dhaqan galin waayay amar kasoo baxay golaha wasiiradda Puntland, kaasoo wax looga badalayay adeega lacagaha mobaylka la iskugu diro ee sahalka iyo Edahab.

12/5/2020 3:31 AM EST
Sabti, December, 05, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

12/5/2020 3:08 AM EST
Sabti, December, 05, 2020 (HOL) -Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somalilnad ayaa lagu taageeray go'aanka dowladda Mareykanka ee ah in la baxayaan dhamaanba ciidamada ka jooga Soomaaliya.

12/5/2020 12:02 AM EST
Sabti, December, 05, 2020 (HOL) -Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon ayaa sheegeysa in madaxweyne Trump uu dalbaday in ku dhawaad dhammaan ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya ka hor inta uusan xilka wareeejin bisha soo socota.