3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2020
Shirkaddaha isgaarsiinta Puntland oo dhaqan galin waayay amar kasoo baxay Puntland
 

Sabti, December, 05, 2020 (HOL) - Shirkaddaha isgaarsiinta ee ka howgalla Puntland ayaa dhaqan galin waayay amar kasoo baxay golaha wasiiradda Puntland, kaasoo wax looga badalayay adeega lacagaha mobaylka la iskugu diro ee sahalka iyo Edahab.

Puntland ayaa shirkaddaha Golis iyo Somtel ku amartay in laga billaabo maanta oo sabti ah ay shirkadduhu joojiyaan in aan wax hal dollar ka yar la isku diri karin.

Tallaabadan ayay Puntland ku sheegtay in ay qeyb ka tahay dadaalo loogu jiro sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka ka jira degaanada Puntland oo gaaray heerkii ugu sareeyay abid, iyadoo weliba lacagtii shilinka Soomaaliga magaalooyinka qaarkood laga diidayo isticmaalkeeda.

Lama oga sababta shirkadduhu u fulin waayeen go’aankaan, iyadoo saakay la filayay inuu dhaqan galo, sidoo kale shirkaddaha isgaarsiinta dhankooda wax jawaab ah kamasoo saarin go’aanka maamulka Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/5/2020 3:21 PM EST
Sabti, December, 05, 2020 (HOL) -Guddiga aan wali laga heshiin ee doorashada heer Federaal ayaa maanta Muqdisho ku doortay guddoon si howlahooda ay u sii waddaan.

12/5/2020 7:21 AM EST
Sabti, December, 05, 2020 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay walaac kaga muujiyeen Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo ay ku eedeeyeen inay ku howlan tahay bixinta ruqsadaha baarista Shidaalka, xilli lagu jiro marxalad doorasho.

12/5/2020 5:07 AM EST
Sabti, December, 05, 2020 (HOL) - Xildhibaanadii Puntland ee dhawaan xilka laga xayuubiyay ayaa warbaahinta ka sheegay in mooshinkii xilka looga qaadayay uu ahaa go’aan lagu difaacayay danaha dowladda Imaaraatka Carabta ka leedahay dekeda magaalada Bosaso.

12/5/2020 4:22 AM EST
Sabti, December, 05, 2020 (HOL) - Waxaa dib u dhacay shir caadi aheyn oo maanta Golaha Wasiirradda Soomaaliya ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho, kaa oo qorshuhu ahaa in looga wadahadllo xaaladihii ugu danbeeyay siyaasadda guud ahaan Soomaaliya.

12/5/2020 3:31 AM EST
Sabti, December, 05, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

12/5/2020 3:08 AM EST
Sabti, December, 05, 2020 (HOL) -Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somalilnad ayaa lagu taageeray go'aanka dowladda Mareykanka ee ah in la baxayaan dhamaanba ciidamada ka jooga Soomaaliya.

12/5/2020 12:02 AM EST
Sabti, December, 05, 2020 (HOL) -Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon ayaa sheegeysa in madaxweyne Trump uu dalbaday in ku dhawaad dhammaan ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya ka hor inta uusan xilka wareeejin bisha soo socota.