4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2020
Madaxweyne Trump oo amray in gabi-ahaanba ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya

 

Sabti, December, 05, 2020 (HOL) -Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon ayaa sheegeysa in madaxweyne Trump uu dalbaday in ku dhawaad dhammaan ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya ka hor inta uusan xilka wareeejin bisha soo socota.

Trump ayaa horey u amray in la dhimo tirada ciidamada Mareykanka ka jooga waddamada Afqaanistaan iyo Ciraaq.

Inkastoo hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya uusan sidaa u sii weynayn, haddana ciidamadaasi Mareykanka ee gaaraya 700 waxay door muhiim ah ka qaataan ololaha la dagaalanka Al-Shabaab iyo mintidiinta kooxda la baxday Dowladda Islaamka.

Lama oga saameynta arrintan ku yeelan karto dhanka ammaanka, iyadoo Mareykanka taageero siinayay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo uu ka taageerayay dhanka tababarada iyo Saadka.

Go’aanka uu Mareykanka ciidamadiisa ugala baxayo Soomaaliya ayaa ku soo aaday, iyadoo is bedel weyn ku yimid nidaamkii Trump oo looga adkaaday doorashadii dhowaan dhacday, waxaana Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden uu xilka la wareegi doonaa bisha soo socoto.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]