4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 4 , 2020
Odayaasha dhaqanka oo kulamo xasaasi la kala qaatay wasiirka arrimaha gudaha Iyo Janaraal Xuud


Jimco, December, 04, 2020 (HOL)  - Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshisiinta dowlada Soomaaliya Muqtaar Xuseen Afrax ayaa kulan kula qaatay magaalada Baledweyne Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii oo loo dajin lahaa xiisad sababtay dagaalo iyo dibadbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo inuu Baledweyne yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Wasiirka iyo Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa ku heshiiyay afar qodob oo la sheegay in lagu xalinaayo xiisada ka taagan magaalada Baledweyne muddo sadax isbuuc ka badan.

1: In Wasiirka Arrimaha gudaha uu Odayaasha u ballan qaaday in madaxweynaha Hirshabeelle imaan doonin Beledweyne ilaa xal laga gaaro qilaafka iyo tabashada aay qabaan reer Hiiraan.

2: In Ciidamada Dowladda aysan awood ciidan u adeegsan doonin dadka diidan dhismaha maamulka cusub ee Hirshabeelle kuwaas oo maalamahaan banaanbaxyo ka waday Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

3: Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa Odayaasha dhaqanka ka dalbaday inay xiisada dejiyaan sidoo kalena ka qeyb qaataan sidii loo furi lahaa waddooyinka ay xireen dadka banaanbaxa ka dhigayay magaalada Beledweyne.

4: In Odayaasha dhaqanka aay wasiirka u keenaan Warqad aay kusoo qorayaan tabashada ay ka qabaan maamulka Hirshabeelle si uu ugu gudbiyo madaxda dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qodobadan ay ku heshiyeen Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyo wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xili maanta magaalada Baledweyne ka dhaceen dagaalo iyo dibadbaxyo xoogan oo kala xiray dhamaan isku socodkii gaadiidka iyo ganacsiga inkasto wali wadooyinka ugu muhiimsan ay ku xiran yihiin dhagxaan iyo tiirar ay dhigeen banaanbaxayaasha.

Dhinaca kale Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo galinkii dambe ee maanta kulan kula qaatay deegaanka Ceelgaal Janaraal Xuud ayaa ku guuleystay iney wadahal siiyaan Janaraalka iyo wafdiga wasiirka arrimaha gudaha maalinta berito ah haduu alle idmo.

Warar hoose oo ay Shabakadda HOL ka heshay ilo ku dhawdhaw Janaraal Xuud ayaa inoo xaqiijiyay in Janaraalka iyo sarakiishiisa ciidanka ay caawa ku sugan yihiin gudaha magaalada Baledweyne beritana ay la kulmi doonaan wafdiga wasiir Muqtaar Xuseen Afrax.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]