4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 31, 2020
Siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee Geeriyootay Sanadkan 2020

 

Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) -Sanadkan inaga sii dhamaanaya ee 2020 Soomaaliya marka la eego waxaa uu u ahaa sanad ay isku biirsadeed deggenaan la'aan siyaasadeed, Jawi Doorasho, Qaraxyo galaaftay nolasha dad badan oo Soomaaliyeed iyo waliba geerida dad Soomaalida magac iyo maamuus ku dhax la'ahaa.

Haddii aynu eegno dhinaca siyaasadda sanadkan wuxuu sii dhamaanaya iyadoo aan wali wax heshiis ah oo muuqda laga gaarin muranka dhinaca doorashada ah ee u dhaxeeya dhinacyada siyaasadda, iyadoo muddo xileedka dowladda hadda jirta uu ku dhamaanayo 08 bisha Feberaayo 2021 oo ay ka harsan tahay wax ka yar Bil iyo Bar.

Dibadbaxyo waa-weyn ayaa dhacay oo looga soo horjeedo hannaanka ay dowladdu u maamuleyso doorashada, meelaha qaarna magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa rasaas isku weydaarsaday ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad aan la garaneynin,

Dhinaca Amaanka marka la eego sanadkan waxaa dhacay Qaraxyo waaweyn oo galaaftay nolasha dad badan oo mas'uuliyiin iyo Shacab isugu jiray, waxaana ugu danbeeyay qaraxii 18kii bishan December ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay ku dhinteen 16 ruux oo ay ka mid ahaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Cudurka Coronavirus ayaa dhankiisa saameyn weyn lahaa sanadkan oo ay u geeriyoodeen mas'uuliyiin iyo siyaasiyiin caan ah, kuwaa qaarkood xilal sare ka soo qabtay dalka.

01, April 2020 waxaa magaalada London ee dalka Britain ugu geeriyooday cudurkan Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Nuur Xassan Xusseen Nuur Cadde oo la sheegay in uu muddo la xanuunsanayay Coved 19.

12, April 2020, Dadka cudurkan Covid 19 u geeriyooday waxaa ka mid ahaa Khaliif Muumin Tooxoow oo ka tirsanaa xildhibaannada Baarlamaankii hore  Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle, waxaana uu marxuumku ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

12, July 2020 waxaa isna cudurka Kansarka dalka Turrkiga ugu  geeriyooday Alle ha u naxariisteen Xassan Abshir Faarax oo horey dalka Ra'iisal Wasaare uga soo noqday.

 

Isla 12 July 2020 madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. 

Maxamed Cabdi Xaanshi muddoo kooban oo lix bilood ah ayuu hayay xilka madaxweyninimada Puntland kadib markii Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yusuf oo xilkaasi hayay loo doortay madaxweynaha Soomaaliya sanaddii 2004.

08, October 2020 waxaa magaalada Jigjiga cudurka Covid 19 ugu geeriyooday Ra'iisal Wasaarihii hore ee dalka Prof Cali Khaliif Galeyr oo laakiin markii danbe ahaa madaxweynaha maamulka Khaatumo State. Wuxuu ahaa Aqoonyahan Soomaaliyeed, Siyaasi Caan ah iyo waliba Macalin wax ka dhigga Jaamacado heer caalami ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]