3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 31, 2020
Mahdi Guuleed oo raali galin ka bixiyay hadal tuhun galiyay doorashada
 

Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) - Raysal Wasaare ku xigeenka dowladda federalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta raali galin ka bixiyay hadal uu horey saxaafadda ugasii daayay oo ku saabsanaa in doorashada soo socota uu madaxweyne Farmaajo wareega ugu horeeya ku guulaysandoono.

Hadalkaan ayuu raysal wasaare ku xigeenku ka sheegay magaalada Garowe halkaas oo uu ka socdo shir weyn oo ay isku arkeen dowladda iyo mucaaradka, kaasoo la isku weydaarsanayo aragtiyo xambaarsan sida Soomaaliya uga gudbi karo kumeel gaarnimada marka la gaaro sannadka 2025.

“Waxaan rabaa in aan Shirweynahan uga faa’iideysto in aan raalligelin ka bixiyo hadal aan horay u idhi oo ahaa, wareegga koobaad ayaa lagu kala baxayaa, Arrintaas xaal iyo raalligelin ayaan ka bixinayaa, Musharraxiiney raalli ahaada, Ha baqanina, ha cabsanina, wareeggii koobaad xaal baa laga bixiyay, Garoonku waa noo wada furan yahay, ee soo diyaargarooba ” ayuu yiri Mahid Guuleed.

Murashixiinta mucaaradka ayaa hadalkaan ku sifeeyay mid ka turjumaya in dowladda qorshaheedu yahay in ay doorashada musuq maasuqdo islamarkaana hadalka mahdi Guuleed uu tusaale cad u yahay sida dowladdu damacsan tahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]   













Click here
12/31/2020 11:14 AM EST
Khamiis, December, 31, 2020 ( HOL) -Sanadkan sii dhamaanaya ee 2020 waxaa geeriyooday fannaaniin caan ka ahaa gayiga Soomaaliya iyo caalamka, qaarkood waxaa ay u dhinteen cudurka dunida faraha ba'an ku haya ee Coronavirus.

12/31/2020 10:53 AM EST
Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) - Xulka kubada cagta gobolka Banaadir ayaa ku guulaystay tartankii kubada cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kadib cayaar xiiso badnayd oo galab casir liiqii kusoo idlaatay garoonka Engineer Yariisow.

12/31/2020 6:34 AM EST
Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) - Dibadbax aad u xoogan ayaa maanta ka dhacay magaalada Baledweyne kaasoo si weyn u saameyay inta badan xaafadaha magaalada aay ka kooban tahay waxaana looga soo horjeeday maamulka Hirshabeelle.

12/31/2020 6:16 AM EST
Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) -Sanadkan inaga sii dhamaanaya ee 2020 Soomaaliya marka la eego waxaa uu u ahaa sanad ay isku biirsadeed deggenaan la'aan siyaasadeed, Jawi Doorasho, Qaraxyo galaaftay nolasha dad badan oo Soomaali ah iyo waliba geerida dad Soomaalida magac iyo maamuus ku dhax la'ahaa.

12/31/2020 4:09 AM EST
Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) - Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulleed Khadar oo khudbad ka jeedinayay madasha Aragti Wadaag ee Machadka Heritage uu soo qabanqaabiyay ee ka soconaya magaalada Garoowe ayaa sheegay in la fuliyo heshiisyadii doorasho ee la galay

12/31/2020 12:58 AM EST
Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) - Waxey aheyd khudbad adag oo madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland oo uu ka jeediyay shirka Aragti Wadaag ee ka soconaya magaalada Garoowe ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Puntland.

12/31/2020 12:17 AM EST
Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) -Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay in Anita Kiki Gbeho oo reer Ghana ah noqoto ku xigeenka cusub ee Wakiilka gaarka ah ee Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.