4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 31, 2020
Anita Kiki Gbeho oo loo magacaabay ku-xigenka wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey

 

Khamiis, December, 31, 2020 (HOL) -Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Arbacadii shalay  ku dhawaaqay in Anita Kiki Gbeho oo reer Ghana ah noqoto ku xigeenka cusub ee Wakiilka gaarka ah ee Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Gbeho  ayaa badali doonta  Raisedon Zenenga oo reer Zimbabwe ah oo loo magacaabay kaaliyaha xoghayaha guud iyo isku duwaha howlgalka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Liibiya. isaga oo looga mahad celiyay sida hufnaanta leh ee uu uga qeyb qaatay howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Af-hayeenka ee madaxa UN-ka.

Gbeho  ayaa leh in ka badan 25 sano oo khibrad ah oo ku saabsan qorshaynta istiraatiijiyadeed, isku dubaridka iyo maaraynta arimaha siyaasada, horumarka iyo arimaha bini'aadanimada ee xarunta Qaramada Midoobay.

Gbeho waxey shahaadada Bachelor-ka ka heysataa Cilmiga Bulshada iyo Daraasaadka Africa ee Jaamacadda Gobolka ee New York iyo shahaadada Mastarka ee xiriirka caalamiga ee Jaamacadda Ghana.

Waxey ka soo shaqeysay dalal ay ka mid yihiin Angola, Cambodia, Iraq, Namibia, Sudan iyo Somalia, waxey ku dhalatay gabadhan loo magacaabay ku-xigeenka wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya magaalada Accra ee dalka Ghana, Ms. Gbeho waxay leedahay hal gabar.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]