3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 30, 2020
Nooc cusub oo feyruska Corona ah oo ku faafaya dunida

 

Arbaco, December, 30. 2020 (HOL)- Cabsi kale oo hor leh ayuu ku abuurayaa dunida noocan cusub ee feyruska Corona oo calaamadihiisa lagu arkay qeybo ka mid ah caalamka.

Kiiskan cusub ee feyruska oo ah mid si deg deg ah u fidiya ayaa durmaba laga soo sheegayaa qeybo ka mid ah dalalka India iyo Paskistan  oo ay xaqiijiyeen dhakhaatiirtu in ay jiraan dad laga helay.

Sidoo kale dalka Mareykanka ayaa laga soo warinayaa in laga helay isla noocan cusub ee feyruska oo markiisii hore ka soo bilaawday dalka Britain.

Waa nin dhalinyarro ah oo ku jiray da'da labaatameeyada, qofkan dalka Mareykanka laga helay nooca cusub ee Corona.

Dhinaca qaaradda Afrika, waddanka Koonfur Afrika ayaa looga dhawaaqay bandhow dhaqdhaaqaaqa dadweynaha ah kaddib markii la helay kiisas ka mid ah nooca cusub ee fayraska, kuwaasoo si deg deg badan u fidaya.

Ilaa iyo hadda lama oga halka uu feyruskani salka ku hayo, laakiin meelaha qaar waxaa la hadal hayaa tallaalka cusub oo ilaa iyo hadda dad badan lagu muday, inkastoo aan xaqiiq loo heyn in tallaalkan uu watto feyruska cusub

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    













Click here
12/30/2020 5:51 PM EST
Arbaco, December, 30. 2020 (HOL) - Shirkadda WhatsApp ayaa shaacisay in taleefanada duug ah ay waayi doonaan gabi ahaanba helitaanka adeega WhatsApp ama astaamaha qaar ee ku jira. Dhibkaagu wuu yaraanayaa haddii telefoonkaaga iPhoneka uu ka sarreeyo iOS9 ama telefoonka Andriod 4.0.3.

12/30/2020 9:01 AM EST
Arbaco, December, 30. 2020 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya ayaa Puntland usoo tababartay ciidamo booliis ah oo qaabilsan nabad galyada waddooyinka oo loo yaqaano ciiddanka taraafikada.

12/30/2020 6:34 AM EST
Arbaco, December, 30, 2020 (HOL)- Kulanka magaalada Jowhar ay maanta ku yeesheen xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayeey ku meelmariyeen miisaaniyad sanadeedka sanadka 2021ka.

12/30/2020 6:32 AM EST
Arbaco, December, 30. 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo u dhaxeeyo Al-shabaab iyo ciidamada dowlada Soomaaliya oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Buulaburte iyo Jalalaqsi.

12/30/2020 6:19 AM EST
Arbaco, December, 30. 2020 (HOL) - Murrashixiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa kulamo gaargaar ah ka billaabay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, halkaas oo ay u yimaadeen shirka hay’adda Heritage ku qabanayso.

12/30/2020 5:41 AM EST
Arbaco, December, 30. 2020 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta kormeeray xarunta Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dawladda.

12/30/2020 4:12 AM EST
Arbaco, December, 30. 2020 (HOL) - Isu soobax mararka qaarkood rabshado isu bedelayey ayaa saaka ka bilaabmay magaalada Laascaanood xaruunta gobolka Sool.

12/30/2020 4:00 AM EST
Arbaco, December, 30. 2020 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya. Dr, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in ay diyaariyeen nidaam maaliyaddeed oo ka hortagaya in ay cidi kaligeed ku tagrifasho hantida dowladda ee dadweynuhu leeyihiin.

12/30/2020 2:50 AM EST
Arbaco, December, 30. 2020 (HOL) - Saraakiisha cidianka difaaca Qaranka dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ay helleen ama gacanta ku dhigeen gantaalo lagu qariyay qeybo ka mid ah magaalada Mekelle ee gobolka Ismaamulka Tigreyga.

12/30/2020 12:48 AM EST
Arbaco, December, 30. 2020 (HOL)- Inta la xaqiijinayo ilaa 7 qof ayaa ku dhinatay tiro kala oo ka badan 20 kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray dhul-gariir Talaadadi ka dhacay bartamaha dalka Croatia ee qaaradda Yurub.