3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2020
Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo Baledweyne gaaray


Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlada Federaalka Soomaaliya Janaraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa soo gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne kusoo dhaweyay masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo maamulka gobolka iyo sarakiil ciidan.

Ujeedka safarka wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdigiisa ayaa ah sidii ay u xalin lahayeen tabashada dadka reer Hiiraan aay ka qabaan dhismaha maamulka cusub ee Hirshabeelle oo dhalisay xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo looga soo horjeedo madaxda Hirshabeelle ee dhawaan Jowhar lagu soo doortay.

Wasiir Muqtaar ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato waxgaradka reer Hiiraan ee tabashada ka qaba Hirshabeelle iyo waliba hoggaamiyaha ciidamada diidan Hirshabeelle Janaraal Abuukar Warsame Xuud kuwaas oo siweyn uga horyimid inuu Baledweyne yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/3/2020 12:32 PM EST
Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) -Somaliland ayaa war ka soo saartay magacaabistii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay Yuusuf Garaad Cumar Axmed Ergeyga gaar ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

12/3/2020 5:42 AM EST
Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka sarkaal ka tirsanaa CIAda Mareykanka oo ku dhintay howlgal ka dhan ahaa Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo loo maleynayo in uu mas’uul ka ahaa weerar lagu dilay Askari Mareykan ah oo ka dhacay Kenya sanadkii hore

12/3/2020 3:22 AM EST
Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) - Xeer ilaalyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xasan Aw-Cusmaan, ayaa sheegay inuu dacwad kusoo oogayo 8 xildhibaan oo katirsanaa barlamaanka Puntland, kuwaas oo laga xayuubiyay xasaanadoodii.

12/3/2020 2:30 AM EST
Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) - Baarlamanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xasaanada kala laabtay tiro 8 Xildhibaan ah oo lagu soo eedeeyay falal ka dhan ah jebinta xeer hoosaadka Anshaxa gollaha wakiiladda dowladda Puntland.

12/3/2020 1:40 AM EST
Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) - Qorshe xilka looga qaadayo xildhibaano katirsan Puntland ayaa saaka ka socda magaalada Garowe, kadib markii 35 xildhibaan oo kamid ah barlamaanka ay saxiixeen mooshin xil ka qaadis ah.

12/3/2020 12:49 AM EST
Khamiis, December, 03, 2020 (HOL)-Dhacdadan oo intii ka war-heshay aad uga argagaxeen ayaa Nin magaciisa lagu sheegay Cabsiiye Caddaan waxaa uu torreey ku dilay Hooyadii gurigooda oo ku yaala degmada Kaaraan meel aan ka fogeyn isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho.

12/3/2020 12:33 AM EST
Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) - Munaasabad lagu qabtay Xerrada Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa tababar laguu soo xiray cutubto ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab,