4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2020
Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo dacwad kusoo oogayo xildhibaano xasaanadii laga qaaday
 

Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) - Xeer ilaalyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xasan Aw-Cusmaan, ayaa sheegay inuu dacwad kusoo oogayo 8 xildhibaan oo katirsanaa barlamaanka Puntland, kuwaas oo laga xayuubiyay xasaanadoodii.

Xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeeyay xildhibaanadan inay ku xad-gudbeen Dastuurka iyo xeer-hoosaadka golaha wakiillada, isagoo sheegay inuu dacwadooda u gudbinayo maxkamada sare.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in xeer Ilaaliyuhu amray in xildhibaanada xilka laga xayuubiyay aysan Puntland ka bixi karin, isagoo laamaha amniga faray in ay dhaqdhaqaaqooda xakameeyaan.

Xildhibaanada xasaanada lagala noqday ayaa la filayaa in ay saxaafadda la hadlaan, kana warbixiyaan mowqifkooda xasaanada laga qaaday.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]