3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2020
Wafuud kala duwan oo kusii qulqulaya magaalada Garowe oo lagu qabanayo shir weyn
 

Isniin, December, 28, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa mgaalada Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya shir weyn oo hay’adda Heritage ku qabanayso magaalada todobaadkaan.

Waxaa horey magaalada Garowe u yimid madaxweynaha Galmudug, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, guddoomiyayaasha labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya iyo xildhibaanno.

Waxaa sidoo kale Garowe ku sugan qaar kamid ah murashixiinta madaxtinimada Soomaaliya iyo siyaasiyiin caan ah oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdihii kala duwanaa ee Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Garowe ayaa aad loo aadkeeyay, iyadoo ciidamo iyo gaadiidka dagaalka lagusoo daadiyay guud ahaan waddooyinka magaalada, waxaana socda baaritaan culus oo lagu sameynayo baabuurta.

Madaxweynaha Puntalnd Siciid Deni ayaa sheegay in ay masuuliyad dheeraad ah iska saarayaan sugida amniga Garowe oo uu sheegay in loo gartay in ay marti galiso shir markii ugu horaysay Soomaaliya lagu qabanayo.

Laamaha amniga Puntland ayaa la faray in ay ka hortagaan cid kasta oo isku dayda in ay ku kacdo falal lidku ah ammaanka iyo kala dambaynta.

Dhinaca kale, 12-saac ee lasoo dhaafay waxaa xabsiyada loo taxaabay dad ay ku jiraan weriyayaal, kuwaas oo loo haysto in ay ka qeyb qaateen mudaharaad ka dhacay magaalada Garowe oo loogasoo horjeeday diidmada lacagta shilinka Soomaaliga iyo sicir bararka.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/31/2021 9:46 PM EST
Hawl-wadeennada Minnesota ayaa Isniintii sheegay in ay weli socdaa dhibaatooyinka caafimaad ee Disembar ayadoo 13 qofood kale ay u dhinteen COVID-19.

12/28/2020 10:27 AM EST
Isniin, December, 28, 2020 (HOL) - Xulka kubada cagta gobolka Baadir ayaa galabta iska xaadiriyay fiinaalka tartanka kubada cagta dowlad goboleedyada iyo goboolka Banaadir, kaasoo haatan maraya heer gabagabo ah.

12/28/2020 9:55 AM EST
Isniin, December, 28, 2020 (HOL) - Wasiirka duulista Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa magaalada Dubai ee isku tagga imaaraatka Carabta ku saxiixay heshiis ay Puntland ku wareejinayso maamulka garoonka diyaaradaha Bosaso.

12/28/2020 5:50 AM EST
Isniin, December, 28, 2020 (HOL) - Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda federalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u kala diray Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Sida uu sheegay markii uu arkay xaaladda cakiran ee cuuryaaminta horumarka ganacsiga Soomaaliya.

12/28/2020 5:01 AM EST
Isniin, December, 28, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay inay Janaraal Abuukar Xuud uu ka baxay balamo ay wada galeen.

12/28/2020 4:53 AM EST
Isniin, December, 28, 2020 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa si adag uga hadlay xaalada magaalada Beledweyne isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in dabaabaad ciidan loo adeegsado shacab dibadbaxaya.

12/28/2020 4:38 AM EST
Isniin, December, 28, 2020 (HOL) - Ilaa saddex ruux oo lagu sheegay in ay ahaayeen Askar ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa toogasho lagu dilay degmada Waabari , gaar ahaan halka lagu magacaabo Buundooyinka sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.

12/28/2020 12:57 AM EST
Isniin, December, 28, 2020 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa fariin u diray siyaasiyiinta mucaaradka iyo musharixiinta ka biyo-diidan doorashada, isaga oo sheegay in xukuumadiisu diyaar u tahay qacinta cid kasta oo tabasho ka qabta doorashada.

12/28/2020 12:41 AM EST
Isniin, December, 28, 2020 (HOL) - Booliiska dalka Mareykanka oo adeegsanaya maadada DNA ayaa shaaciyay magaca qof looga shakisan yahay in uu ka danbeeyay qaraxii cuslaa ee maalin ka hor ka dhacay magaalada Nashville