5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 20, 2020
Markab dagaal oo gacan ka geysanaya sidii loo sii wadi lahaa ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya
 

Axad, December 20, 2020 (HOL) - Markab dagaal oo Mareykan ah iyo diyaarad ayaa bilaabay howlgalka ciidamada Mareykanka looga saarayo Soomaaliya.

Militariga ayaa sheegay toddobaadkan iyagoo fulinaya amarka Pentagon in boqolaal kamid ah ciidamada Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya  loo raro meelo kale.

USS Hershel "Woody" Williams, oo ah saldhiga badda ee ciidamada Maraykanka ayaa taageeraya dhaqdhaqaaqa ka bixitaanka ciidamada, sid lagu sheegay bayaan kasoo baxay militariga.

Taliska Mareykanka ee Afrika, ayaa sababo la xiriira walaac xagga amniga ah, wuxuu diiday inuu sheego inta askari ee laga saarayo Soomaaliya ama goorta bixitaanka la dhameystiri doono.

AFRICOM waxay sheegtay in qiyaastii 700 oo askari dib loo geyn doono wadamada deriska la ah si ay u fuliyaan howlgalada xuduudaha ee ka dhanka ah Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida.

In kasta oo AFRICOM aysan magacaabin dalalka la geynayo ciidamada, hadana Jabuuti iyo Kenya ayay u badan tahay in loo raro  marka la eego in Mareykanku dalalkaas ku leeyahay saldhigyo milatari .

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]