4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 19, 2020
Dhaawacyadii qarixi ismiidaaminta Gaalkacyo oo Muqdisho loo qaaday iyo aas qaran oo loo sameynayo saraakiishii ku geeriyooday qaraxa
 

Sabti, December, 19, 2020 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho u daabushay qaar kamid ah dadkii ku dhaawaccmay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaliya, Maxamed Cabdirisaaq oo uu raysal wasaaruhu u xilsaaray arrintan,  ayaa goor dhaweyd dhaawacyadan ku qaaday diyaarad xamuul ah oo kasoo duushay magaalada Muqdihso.

Dhaawacyada loo qaaday Muqdisho ayaa iskugu jira askar iyo shacab, kuwaas oo xaaladdooda u muuqatay in aan waxba looga qaban karin isbitaalada kuyaala magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa aas qaran Gaalkacyo ugu sameynaysa saraakiishii ku geeriyooday qaraxa ismiidaaminta ahaa, kuwaas oo uu kamid yahay taliyihii qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga sarreeyo guuto Qooje Dagaari.

Waxaa magaalada Gaalkacyo gaaray taliyihii ciiddanka xoogga dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo taliyaha ciiddanka booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), kuwaas oo ka qeyb galaya aaska saraakiisha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]