5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 18, 2020
Dowladda Spain oo meel marisay in ka badan 4 million oo Yuuro ah oo loogu talo galay sanduuqa dayn cafinta Soomaaliya
 

Jimco, December, 18, 2020 (HOL) - Golaha Wasiiradda Spain ayaa ansixiyay tabarucaad gaaraya 4,074,536.54 yuuro oo loogu talagay gargaarka dayn cafinta Soomaaliya ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).

Spain waxay sheegtay in tallabadan ay xoojineyso ballanqaadka xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya, oo mas'uuliyiinteedu ay sameeyeen dadaal la taaban karo sannadihii ugu dambeeyay si ay dib ugu soo celiyaan xiriirkii dhaqaale ee ay Soomaaliya la lahayd bulshada caalamka.

Bishii Maarso Soomaaliya  ayaa ku biirtay Hindisaha barnaamijka dayn cafinta ee wadamada aad u saboolka ah IMF’s Heavily Indebted Poor Country Initiative, kaas oo u oggolaanaya Soomaaliya inay hesho deyn cafinta.

Spain ayaa ku dhawaaqday intii lagu guda jiray shirkii Iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka ee lagu qabtay Muqdisho 7dii Diseembar 2020, inay doonayso inay bixiso tabarucaad ka badan 4 milyan oo Yuuro.

Spain waxay hogaamineysaa Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika iyo Howlgalka Atalanta, ee ka dhanka ah burcad badeedka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]