3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 17, 2020
Muuse Biixi '' Soomaaliya waxey noo furtay albaab dhib yar oo uu ictiraafku ku iman karo

 

Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay kulamadii uu la soo qaatay madaxda dalka Kenya, gaar ahaan madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Muuse Biixi ayaa sheegay in magaalada Nairobi loogu soo dhaweeyay si maqaam sarre ah, isaga oo dhinaca kale soo hadal qaaday go'aanka dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jirtay Kenya.

Warfidiyeenkii su'aalaha weydiinayay ayuu uga jawaabay sida uu u arko go'aanka Soomaaliya ay xiriirkii Diblomaasiyadeed ugu jartay Kenya, isaga oo yiri'' Arintaasi fursad ayeey inoo aheyd, iyaguna xiriirka ayeey u jareen, Annagu-na iyaga ayaa badalnay, waxey noo fureen albaab dhib yar oo uu ictiraafku ku iman karo'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa sheegay in ay ka go'an tahay in dowladdaha Africa oo idil kala hadlaan arinta ku saabsan ictiraafka isaga oo yiri'' wey naga go'an tahay 54ta dowladood ee Africa midba mar ayeeynu u taggi doonaa'' 

Dhinaca Qaadka miirooga mar uu soo hadal qaaday ayuu sheegayi in uu si caadi ah u yimaado magaalada Hargeysa, waxaana uu dowladda Kenya ku tilmaamay dalka sedexaad ee Afrika ugu dhaqaalaha Badan sidaa daraadeed muhiimad gaar ah siinayaan xiriir ay la yeeshaan,

Waxaa uu guulweyn ku tilmaamay wadahadalladii dhaxmaray isaga iyo madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta oo sida uu hadalka u dhiggay wax-yaabihii lagu heshiiyay laga soo saaray war-murtiyeed wadajir ah.

Dowladda Soomaaliya oo siweyn uga carreysan tallaabada ay qaaday dowladda Kenya ayaa Tallaadadii toddobaadkan ku dhawaaqday in ay xiriirka u jirtay Kenya, waxaana ay ku amartay Diblomaasiyiinta ka jooga Nairobi in ay si deg deg ah dalka ugu soo laabtaan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   













Click here
1/31/2021 10:23 PM EST
Gacmaha oo la maydho waa habka ugu wanaagsan ee lagaga hortaggi karo fiditaanka jeermiska iyo cudurada. Gacmaha wasakhda ah waxa ay qaadi karaan jeermiska cudur sidaha ah kuwaas oo sababi kara in qofku xanuunsado ama uu xanuun u gudbiyo cid kale. Noolayaasha il-ma aragtiga ah ee ay ka mid yihiin Bakteeriyada, Fayraska, dulinyada fangaska iyo kimikooyin kale ayaa si toos ah jidhkeena u gali kara marka aynu taabano wejigeena, indhaha, sanka iyo afka ama waxa ay si aan toos ahayn u gelli karaan, marka ay gacmo aan nadiif ahayn taabtaan goobo wasakh leh oo ay taabteen dadyaw kale ama meelaha cunnada lagu diyaariyo. Gacmaha oo saabuun iyo biyo lagu maydhaa si joogto ah waxay horseedaan abuurka safka koowaad ee difaaca jidhka kaas oo ka hortaga fiditaanka cuduro badan. Kuwaas oo ay ka mid yihiin Durayga, Shubanka iyo cuduro kale oo ka sii khatarsan sida Qoor-gooyaha, Dhanjafka ama Jooniska iyo cuduro kale oo badan. Fiidyahan laba cabirlaha ahi waxaa uu sharaxayaa muhiimada gacmo maydhista.

12/17/2020 5:40 AM EST
Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa maanta joojisay tartan kubada cagta ah oo lagu waday in loo qabto hablaha 6 gobol oo katirsan Somaliland.

12/17/2020 3:53 AM EST
Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa qunsuliyad ka furaneysa gobolka Jamhuuriyada Iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland kaasoo u muuqda mid u ololeynaya aqoonsi caalami ah.

12/17/2020 3:36 AM EST
Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaailya oo aad u hubeysan ayaa lagu arkay qeybo ka mid ah xaafaddaha iyo Aagaga ay deggan yihiin midowga musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda hannaanka ay dowladdu u maamuleyso doorashada.

12/17/2020 12:49 AM EST
Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Ururka Daacish ee Soomaaliya Wilaayadda, ayaa soo saartay muuqaal cusub oo diirada lagu saarayo in kooxda mar kale ku dhawaaqday inay cadow ku yihiin Alshabab.

12/17/2020 12:45 AM EST
Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Muwaadin u dhashay Kenya oo loo haysto inuu ka tirsan yahay al-Shabaab tababar duuliyana ku soo qaatay Filibiin ayaa lagu soo oogay dambiyo argagixisanimo, oo ay ka mid tahay inuu maleegayay afduub diyaaradeed oo lamid ah weerar u eg 9/11.

12/17/2020 12:08 AM EST
Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Ciidamada nabad-galyada dowladda Soomaaliya ayaa xiray jidadka muhiimka u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho sababo la xiriira cabsi laga qabo dibadbaxyo rabshado wata oo mar kale ka dhaca magaalada.

12/17/2020 12:03 AM EST
Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Dowladda Federaalka ayaa ku amartay Dilomaasiyiinteeda ka jooga magaalada Nairobi in ay si deg deg dalka ugu soo laabtaan, kaddib markii dhawaan dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jirtay dalka Kenya.