4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 17, 2020
Dowladda Soomaaliya oo waqti kooban u qabatay Diblomaasiyiinta ka jooga magaalada Nairobi

 

Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Dowladda Federaalka ayaa ku amartay Dilomaasiyiinteeda ka jooga magaalada Nairobi in ay si deg deg dalka ugu soo laabtaan, kaddib markii dhawaan dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jirtay dalka Kenya.

Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibadda DFS ayaa lagu faraha dhamaanba Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed in muddo 5 cisho ah ku soo galaan dalka, gaar ahaan waxaa fariintan loo diray shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi.

Fariintan ayaa imaneysa xili halkii ugu xumaa uu gaaray xiriirka Diblomaasiyadeed ee labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya,  iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay Kenya in ay faragalin ku heyso madax-bannaanida iyo midnimada dhulleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya  iyo guud ahaan arrimaha siyaasadda dalka.

Laakiin dowladda Kenya wey iska fogeysan eedeyntaa uga timid dowladda Soomaaliya, waxeyna Kenya sheegtay in ay ku dadaali doonto soo celinta iyo hagaajinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]