4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 16, 2020
Gabar Soomaliyeed oo ka mid noqotay dadka qaatay tallaalka tijaabada ah ee Covid 19

 

Arbaco, December, 16, 2020 (HOL)- Iyadoo uu soconayo tijaabada tallaalka cusub ee cudurka Coved 19, waxaa ay Sahra Kaahiye noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali iyo qofkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda gobolka Alberta ee tallaalkan qaata.

Sahra Kaahiye, oo ka mid ah shaqaalaha isbitaal ku yaala magaalada Alberta ayaa sheegtay in aysan wax dhibaato ah ku arag tallaalkan oo sida ay sheegtay waxba ka duwaneyn tallaallada kale ee lagaga hortago cudurada qaar.

Dad badan ayaa iyagu cabsi ka qaba tallaalkan, hasse ahaatee waxaa ay Sahra sheegtay in wax dhibaato gaar ah ama culeys ah aysan kala kulmin iyada oo intaa ku dartay cirbadu tahay mid caadiyan aan waxba ka duwaneyn cirbadaha kale ee leysku mudo.

Cudurka Coronavirus ayaa saameyn ku le dunida oo idil waxaana jira rajo badan oo laga qabo tallaalkan tijaabada ku jira uu noqdo mid wax badan ka tari doona daweynta  faafitaanka cudurka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]