4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 15, 2020
Beesha caalamka oo ugu baaqday dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada in ay yeeshaan kulan degdeg ah oo lagu xallinayo tabashooyinka doorashada
 

Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Beesha caalamka oo soo saartay war-saxaafadeed, ayaa ugu baaqday madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada in ay yeeshaan kulan deg deg ah, si loo xalliyo tabashooyinka geedi socodka doorashooyinka iyada oo loo marayo is afgarad si ay dalka uga dhacdo doorasho ay ku wada qanacsan yihiin dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha.

Beesha caalamka waxay soo dhoweysay ballan-qaadkii Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ah inuu ugu yeero hoggaamiyeyaasha kulan ka dhacaya magaalada Muqdisho ka dib booqashooyinka uu hadda ku marayo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

“Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waxay weli si weyn uga walaacsan yihiin khilaafaadka socda ee ku saabsan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka 2020/21. Wadahadal iyo heshiis dheeri ah ayaa sidoo kale loo baahanyahay si loo xaqiijiyo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee gudiyada, ergada dhexdeeda iyo kuraasta barlamaanka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxafadeedka waxaa lagu sheegay in beesha caalamku diyaar u tahay inay taageerro siiso guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed mar haddii wada hadal lagu xallinayo khilaafka ka dhashay qaab dhismeedkooda.

Ugu dambayn, waxay beesha caalamka ugu baaqday dhamaan daneeyayaasha doorashada inay ka waantoobaan hadalada ama ficilada abuuri kara xiisado ama hurinta rabshado.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]