4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 15, 2020
Midowga Musharixiinta oo War ka soo saaray dibadbaxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Talaado, December, 15, 2020 (HOL) -  Qoraal ka soo baxay midowga musharixiinta ayaa looga hadlay dibadbaxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee sababay in meelaha qaar rasaas leysku adeegsado.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qaadeyso mas'uuliyada sida ay hadalka u dhigeen dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay rasaastii leys-weydaarsaday, iyaga oo sheegay in dowladdu caburineyso rayiga dadka.

Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay midowga musharixiinta :

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]