3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 15, 2020
Madaxweynayaasha Somaliland iyo Kenya oo heshiis gaaray

 

Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Kaddib kulan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku yeesheen labada madaxweyne Somaliland iyo Kenya, Muuse Biixi Cabdi iyo Uhuru Kenyatta, ayeey ugu danbeyntii ka soo saareen qodobo dhowr ah oo ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Kenya ayaa casuumad rasmi ah u fidisay wafdiga Somaliland oo horkacayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi taasoo sii xumeysay xiriirka markii horeba liitay ee labada dal Soomaaliya iyo Kenya.

Hadaba War-murtiyeed laga soo saaray kulanka labada madaxweyne ayaa u dhignaa siddan ;-

Labada madaxweyne waxay xuseen, ayaga oo aad ah ugu qanacsan, in iskaashiga ka dhexeeya Kenya iyo Somaliland uu salka ku hayo mabaadi’ iyo qayim ay wadaagaan oo ujeedkoodu yahay kobcinta nabad waarta, xasillooni, koritaan joogto ah, iyo barwaaqo wadaag ah. Ayada oo ay quseyso arrintan, waxay ballanqaadeen inay xoojiyaan, oo ay sii dheereeyaan iskaashiga u dhexeeya Kenya iyo Somaliland.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray, in labada hoggaamiye ay wada hadalladooda diiradda ku saareen ballaarinta xiriirka ganacsi, sare u qaadaista wada-shaqeynta xagga duulimaadyada, oo ay ku jirto ogolaanta duuliimaadyo toos ah oo u dhaxeeya Nairobi iyo Hargeysa, iyo ka wada-shaqeynta horumarinta beeraha, xoolaha, waxbarashada, tamarta iyo iskaashiga dekedaha Berbera iyo Mombasa.

Labada madaxweyne ayaa isku raacay jadwal ay ku fulinayaan qodobo dhowr ah oo ay ku heshiiyeen, waxaana ugu weyn, in Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ka hor dhammaadka bisha March ee 2021, ayada oo Somaliland-a ay casriyeyneyso xafiiskeeda xiriirka ee Nairobi, isla waqtigaas.

Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa billaabeysa duulimaadyada tooska ah ee Hargeysa iyo Nairobi, ka hor bisha March ee 2021, sida ay ku heshiiyeen.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale ogolaatay in saraakiisha sare ee Somaliland oo ku jira liis horey loo go’aamiyey, islamarkaana dokumentiyada socdaalka ee Somaliland ugu safraya Kenya ay Visa-ha ku codsan karaan online, islamarkaana garoonka lagu siinayo marka ay yimaadaan, taasi oo fulinteeda ay billaabaneyso kahor bisha March 2021.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale xaqiijiyey inay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta amniga iyo xasilloonida gobolka, si ay taasi ugu ogolaato shacabka inay raadsadaan horumarka dhaqaalaha bulshada iyo xasilloonida.

Ayada oo ay quseyso arrintan, labada hoggaamiye waxay isla qireen in Somaliland ay sanado badan aheyd nabad iyo xasillooni, taasi oo ku timid sida ay uga go’an tahay mabaadi’ida dimoqraadiga ah iyo aasaasidda hay'ado dowladeed oo adag. Kenya iyo Somaliland waxay sii wadi doonaan inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta nabadda iyo xasilloonida, iyo raadinta barwaaqo wadaag ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sidoo kale sheegeen in saraakiil sare oo ka kala tirsan labada dowladood ay u xil-saareen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan hab loo hormarin karo heshiiska guud ee iskaashiga qodobo ay ka mid yihiin xiriirka labada shacab, ganacsiga iyo maal-gelinta, la-dagaalanka argagixisada iyo dambiyada dhinaca internet-ka, waxbarshada, iyo qodobo kale.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  













Click here
12/15/2020 12:11 PM EST
Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa galinkii dambe maanta waxa uu duleedka magaalada Baledweyne ku dhexmaray Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyo madaxda dhaqdhaqaaqa la baxay Kacdoonka Samata Bixinta Hiiraan.

12/15/2020 11:12 AM EST
Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Beesha caalamka oo soo saartay war-saxaafadeed, ayaa ugu baaqday madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada in ay yeeshaan kulan deg deg ah, si loo xalliyo tabashooyinka geedi socodka doorashooyinka iyada oo loo marayo is afgarad si ay dalka uga dhacdo doorasho ay ku wada qanacsan yihiin dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha.

12/15/2020 10:11 AM EST
Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Qoraal ka soo baxay midowga musharixiinta ayaa looga hadlay dibadbaxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee sababay in meelaha qaar rasaas leysku adeegsado.

12/15/2020 8:47 AM EST
Talaado, December, 15, 2020 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in waqtigan diyaar u tahay dib u eegis lagu sameeyo Guddiyada Doorashada ee khilaafku ka taaggan yahay.

12/15/2020 8:26 AM EST
Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay dowladda Kenya in ay ka dambeyso in madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu ka hor yimaado heshiiskii doorashada.

12/15/2020 7:53 AM EST
Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya, ayaa sheegtay in aysan ka aargoosandoonin Soomaaliya ka dib markii dowladda federalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay Kenya.

12/15/2020 3:07 AM EST
Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Dibadbaxyo iskasoo horjeeda oo ay soo kala abaabuleen dowladda federalka Soomaaliya iyo murashixiinta mucaaradka, ayaa haatan ka socda meelo badan oo katirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

12/15/2020 2:43 AM EST
Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Xafiisyo boolis oo dhawaan la dhisay ayaa xalay lagu burburiyey qaraxyo ka dhacay agagaarka Borehole 11 oo ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka waqooyi bari Kenya.

12/15/2020 12:09 AM EST
Talaado, December, 15, 2020 (HOL)-Galinka danbe ee maanta ayaa lagu waddaa in la soo gabagabeeyo wadahadallada magaalada Nairobi uga soconaya madaxda Somaliland iyo Kenya oo ay kala hoggaaminayaan Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta.

12/15/2020 12:07 AM EST
Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud Abuubakar ayaa sheegay in wax is afgarad ah aan laga gaarin kulamadii ay la soo yeesheen madaxda dowlad gobolleedka Puntland ee la xiriiray arrimaha Doorashooyinka.

12/15/2020 12:05 AM EST
Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gabi ahaanba jartay xiriirkii Diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay dowladda Kenya iyadoo ku amartay dhamaanba diblomaasiyiinta Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya in ay uga baxaan muddo 7 cisho ah