4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 15, 2020
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ''Annaga iyo Puntland iskuma afgaran Arrimaha Doorashooyinka

 

Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud Abuubakar ayaa sheegay in wax is afgarad ah aan laga gaarin kulamadii ay la soo yeesheen madaxda dowlad gobolleedka Puntland ee la xiriiray arrimaha Doorashooyinka.

Wasiirka oo ka mid ahaa Wafdigii uu horkacayay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ee Garoowe u taggay xalinta tabashada Puntland, ayaa sheegay in madaxda Puntland ka goos-qabsadeen in ay aqbalaan soo magacaabista guddiyadii laga sugayay ee ka mid noqon lahaa socodsiinta hannaanka doorashada dalka, 

Puntland ayaa dhianceeda dalbaday in marka hore la saxo qaladaadka ka jira guddiyada doorashooyinka hadda magacaaban oo aan wali heshiis buuxa laga gaarin.

Mar wax laga weydiiyay sababta ay uga baaqdeen casho sharaf sagootin ah oo loo sameeyay ayuu yiri'' Annaga waan u sii sheegnay kooxda qaban-qaabada cashada in aan jeclaan laheyn in wali  wada hadalladu sii socdaan, marka ma dhicin taas ' ayuu yiri Wasiirka.

Soomaaliya ayaa u muuqata xiliggan in ay guda-gali doonto doorasho aan loo dhameyn oo wali ay dood adag ka qabaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada iyo musharixiinta mucaaradka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]