4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 15, 2020
Dowladda Soomaaliya oo xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya

 
Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gabi ahaanba jartay xiriirkii Diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay dowladda Kenya iyadoo ku amartay dhamaanba diblomaasiyiinta Kenya ee  ku sugan gudaha dalka Soomaaliya in ay uga baxaan muddo  7 cisho ah 
 
Talaadan ay qaaday dowladda Soomaaliy ayaaa imaneysa xili magaalada Nairobi wadahadallo ku leeyihiin madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa warbaahinta u sheegay warkan ku saabsan in dowladda Soomaaliya gabi ahaanba u jartay Kenya xiriirkii Diblomaasiyadeed,

Sidoo kale Soomaaliya ayaa u yeeratay dhamaanba Diblomaasiyiinteeda ka jooga dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

Tallaabadan ay qaaday dowladda Soomaaliya ayuu ku sheegay Wasiir Dubba in ay jawaab u tahay xad-gudubyada joogtada ah ee dolwadda Kenya ay ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]