4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 14, 2020
Dad lagu tuhmayo weerarkii 9 -kii bishan lagu dilay saraakiisha oo la qabtay
 
 
Isniin, December, 14, 2020 (HOL) - Guddi loo saaray dhawaan in ay baaritaan ku sameeyaan saraakiishii dhawaan lagu laayay weerar dhab-gal ah oo ka dhacay gobolka Galguduud ayaa soo saaray war hor dhac ah.
 
Cabdi Maxamed Jaamac ( Waayeel ) Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug oo ka mid ah guddigan ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada lagu soo qab qabtay dad la tuhusan yahay in ay ku lug lahaayeen dhacdada dilka saraakiisha.
 
''Saraakiisha la dilay waxaa ay ahaayeen kuwo u shaqeynayay Qaranka, waxaa naga go'an in ay soo qabanno kuwii ka danbeeyay weerarka si cadaallada loo horkeeno ayuu yiri Wasiirka.
 
Taliska ciidanka militariga Soomaaliya ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad ku laheyd aano Qabiil iyaga oo taa badalkeeda sheegay in weerarkan ka danbeeyeen kooxda Al-shabaab.
 
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]