4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 14, 2020
Olole loogu magac daray soo bandhigida xaqiiqada tahriibka iyo dhibaatada uu u geystay dhalinta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Qaahira
 

Isniin, December, 14 2020 (HOL)- Olole loogu magac daray soo bandhigida xaqiiqda tahriibka (Telling The Real Story TRS), iyo mahadhada uu ku reebay bulshada Soomaaliyeed, ayaa ka billowday magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Barnaamijaan oo ah mid wacyi galin ah ayaa looga hadlayaa sheekooyinka xanuunka badan ee tahriibka, iyadoo lagusoo bandhigayo wareysiyo kala duwan oo la yeeshay dhalinyaro Soomaaliyeed oo hallaag kala kulmay safarka dheer ee tahriibka.

Ifraax Axmed oo ah gabadh Soomaaliyeed u ololeysa arrimaha bulshada, ayaa wacyi galintan oo ah mid taxanno ah ku wareysatay dhallinyaro kasoo bad-baaday tahriibka, kuwaas oo ka hadlay xaqiiqda dhabta ah ee tahriibka, waaya-aragnimadooda iyo rafaadkii ay kasoo mareen safarka tahriibka.

Ololahan ayaa si gaar ah loogu tala-galay dadka ka kasoo safraya waddamada Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto, kuwaasi oo safar halis ah qaadaya si ay u gaaraan dalalka Yurub.

Sidoo kale Ifraax oo sharraxaad ka bixineysay waxa ku dhaliyey barnaamijkan ayaa sheegtay inay tahay soo bandhigida khatarta lagala kulmo tahriibka, iyada oo shaacisay in farriimaha tahriibka ay u qalmaan in la shaaciyo, si loo bad-baadiyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee aan fikirka ka haysan halista tahriibka.

Sannad walba, kumanaan tahriibayaal ah oo ay Soomaali  ku jiraan ayaa naftooda ku waaya safarka tahriibka. Waxaa sidoo kale arrimaha tahriibka dhibbane u noqday oo dhibaato dhaqaale xumo u geystay qoysaska Soomaaliyeed oo ku qasbanaaday in ay hantidooda ma guurtada ah u xaraashaan si ay ubadkooda madax furasho uga bixiyaan .

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]